Shaqada Habeenkii oo Sababta Dhiig kar, Macaan, iyo waliba wadne xanuun Deg Deg ah (Warbixin)
Augsburg July 30 2012(SDN)-Cilmi baadhis lagu sameeyey 2 million oo qof ayaa lagu ogaaday in shaqada habeenkii ay sababto xanuuno aad u tiro badan, oo ay ka mid yihiin, xanuunka Sonkorta(macaanka),faaliga, dhiigkarka, wadne xanuunka iyo waliba subagga oo jidhka ku bata. Cilmi baadhistan oo ay muddo aad u dheer daba socdeen professoro ka socda jamacada University of Westren Ontario Canada, ayaa lagu ogaaday in shaqooyinka habeenkii iyo kuwa isbad bedala ee aan lahayn wakhti cayimani ay Aadamaha u keenaan xanuunadaa aynu kor ku soo xusnay. Shaqada habeenkii sababaha ay u dhaliso xanuunadan, waxa ay culimadu ku sheegeen in ay ugu wacantahay dadka habeenkii shaqeeya oo aan helin inta badan cunto fresh ah iyo waliba isbadal ku dhaca hanaanka hurto ee bani aadamka, habeenkii seexo maalintiina shaqo tag.
Hadii shaqadda habeenkii uu qofku shaqeeyo ay ka badato 10 sano waxa hubaal noqotay in uu qofkaasi halis aad u saraysa ugu jiro kusoo boodis xaga wadnaha ah iyo waliba sonkorow aan sabatiisa la aqoon. Dadka habeenkii shaqeeya waxa ay dhimashada uga dhaw yihiin dadka maalintii shaqeeya 23%.
Dadka Habeenkii shaqeeya waxay sidoo kale halis ugu jiraan in ay ku dhacaan xanuuno kale oo tiro badan sida xanuunada maskaxda ku dhaca oo kale. Hadii maskaxdu ay waydo wakhti ay ku kala hagto dhamaan macluumaadkii ay ururisay waxa uu qofku dareemaa culays iyo werwer fara badan, oo qofku isaga oon dhakhtar maskaxeed ahayn uu kuu sheegi karo in ay jiraan culays xaga maskaxda ah.
Maskaxdeenu habeenkii waxa ay shaandhaysaa wixii ay maalintii qabatay oo qaarna waa la daadiyaa wixii aan muhiimka ahayn waxaana loo diraa maskaxda qeybta keydinta. wixi macluumaad ah ee loo baahan yahay wakhtiga dhawna waxa lagu keydiyaa maskaxda qeybta dhaw. Marka ay maskaxdu weydo wakhti ku haboon hawshaasi waxa ay isku dhex dartaa macluumaad fara badan iyada oo markaasi qofku dareemo isdhaaf xaga Ficil qaadashada iyo soo celintaba.
Professor ka mid ah cilmi baadhayaasha ayaa waxa uu sheegay: in aynu inta badan aragno in dadka shaqadoodu is bedbedasho ay cayilaan ama miisaan fuulo, sababta oo ah ayuu yidhi ” Dheefshiidka saliida iyo subaga oo u baahan wakhti nasasho in wakhti loo waayo sidaasina dhiiga loogu daro iyaga oon la shiidin ka dibna ay xidhaan marinada muhiimka ah ee dhiga sida kuwa wadnaha dhiiga siiya oo kale”
Dr Hackam oo ka mid ah dhaakhaatiirtii cilimi baadhistan soo bandhigay, ayaa waxa uu talo ahaan ku soo jeediyey, dadka habeenkii shaqeeya waxa lagama maarmaan ah in ay si joogto ah ula xidhiidhiidhaan dhakhaatiirta ku takhasustay xanuunada wadnaha iyo dhiig wareega jidhka.
source webmd, medicalnewstoday.
Dr: Abdifatah Ahmed Abdikalil
Augsburg Germany