|

Isku-dhac Booliska & Shacab ku dhex-maray Berbera, Dhaawacyo ka dhashay, Tirada Dad la xidhay, Waxa Sababay & Taliye ka hadlay DAAWO

Berbera 16. May 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan Toban Ruux oo isugu jira Askar Boolis ah iyo Dad Shacab ah, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen Iska horimaad rasaas nool laysu adeegsaday oo Salaasadii Maanta dhedxmaray Ciidammada Booliska Berbera oo ay qayb ka ahaayeen kuwa sida gaarka ah u tabobbaran ee RRU-da iyo Nin ka mid ahaan jiray Jabhaddii SNM oo lagu magacaabo Faysal Axmed Maygaag (Faysal-Wadka), ka dib markii Ninkaasi goob uu ka daganyahay magaalada Berbera uu amar ku bixiyay Guddoomiyaha gobolka Saaxil in laga dumiyo oo laga raro, hawlgalkaas oo Dawladda hoose iyo Boolisku iska kaashanayeen.

Goobtaas oo ku taala agagaarka Xereda Guutada ee Xaafadda Shacabka ee magaalada Berbera, muddo dheerna uu Ninkaas Faysal-Wadka lagu magacaabaa degganaa, kana furtay goob lagu Sameeyo Jaajuurka Guryaha lagu dhiso, ayaa la sheegay in Badhasaabka Saaxil amray in laga raro goobtaas, isla markaana ay dawladda hoose ee Berbera oo Booliska kaashanaysaa ayaa fulinaysay hawlgalkaas isku dhaca sababay. Hase-yeeshee, markii Ciidanka Ammaanku goobtaas tageen ee ay u sheegeen ujeeddada ay u socdaan Ninkaas, ayaa la sheegay in uu muran iyo buuq ka dhex dhashay Booliska iyo Ninka goobta degganaa. Tobanka Ruux ee dhaawacmay ayey Shabakaddu ku warrantay inay isugu jiraan Dad Shacab ah iyo Askar Booliska ka tirsan.

Faysal Axmed Maygaag (Faysal-Wadka) oo ah Ninka goobtaa dhisanayey Boolisku tegay, ayaa Saxaafaddu wax ka weydiisay waxa iska hor-imaadka keenay, waxaanu yidhi; “Aniga oo ah Shacab ah oo ah Muwaaddin u dhashay Somaliland oo ka mid ah Raggii u soo halgamay waddanka, ayaan ka la’ahay meel aan Carruurtayda ku korsado, halkan Dhagax kama dhisayo, Daarna kama dhisayo, ee waxaan ka dhisayaa Waabyar oo Jaajuurka aan ku sameeyo oo Carruurta aan ku korsado. Marka Rasaasta la igu furayo waxa la illeeyahay dhimo oo Carruurtaaduna gaajo ha u dhimato, yeeli maayo, gaajana u dhiman maayo ee waan u dhimanayaa.”

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ninkan goobta dhisanayey ee lagu magacaabo Faysal-Wadka uu rasaas kusoo furey Ciidammada markii ay goobta gaadheen, intaasi kadib na ay meesha ka dhalatay fawdo iyo israsaaseyn xabbado laysugu jawaabay.

“Dhulkan oo Sharci-darro uu ku dhisanaayey Nin Faysal la yidhaahdo, ayey Ciidanka Boolisku ka hawlgaleen oo Fulin ahayd oo Dawladda hoose ay Ciidanka wadatay, markii Ciidanku yimi Qori buu la soo baxay oo Rasaas buu ku riday, Dadkii Xaafaddan ku jiray oo dhamina dhulkay taabteen, Askarta Ciidanka ah illaa toban Askari ayuu dhaawac soo gaadhay oo dhagax ah.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale.

Haddaba, iska-hor-imaadkaasi sidii uu u dhacay, Rasaasta oo dhacaysa, Bannaan-baxa Dadka Xaafadda, Hadalka Ninka goobta laga Duminayey iyo Hadalka Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil oo isaguna Warbaahinta la hadlay, dhammaantood waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

Comments are closed