|

Shaqaalihii Ka Hawlgeli Jirey Jaamacadda Hargeysa Oo Shaqo-joojin Ku Dhawaaqay Iyo Sababaha ay Cuskadeen

Hargeysa:Jully,28,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxaya warar dheeri ah oo laga helayo shaqaaqada ka taagan jaamacadda Hargeysa, waxana gebi ahaanba shaqo joojin ku dhawaaqay shaqaalaha ka Hawlgala jaamacaddaas, kadib markii ay ka cawdeen dhibaatooyin naftooda lagu halis gelinayo oo soo noqnoqday.

UNOVSida uu idaacadda VOA-da u xaqiijiyey Madaxa shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa Md Cabdirisaaq Maxamed Muuse, waxa ay shaqaaluhu gudbiyeen warqad ay ku codsanayaan shaqo-joojin, iyagoo arrintaasna u sababaynaya dhibaatooyin xagga ammaanka ah oo soo wajahay.

Waxa uu sheegay Mudane Cabdirisaaq in aanay shaqooyinkooda ku laaban doonin tan iyo inta xaaladda jaamacadda sideedii hore lagu soo celinayo, isla-markaana tallaabooyin sharciga ah laga qaadayo dadka rabshadahaas loo nisbaynayo,

“waxanu samaynaynaa shaqo-joojin, maadaama ay laba jeer oo hore weerarro sidan oo kale ahi u dhaceen,  ilaa inta xaaladdu sideedii hore kusoo noqonayso isla-markaana sharciga la marinayo dadka shaqaaqooyinkaas ku lugta leh.” Ayuu yidhi Cabdirisaaq Muuse.

Sidoo kale waxa isaguna khasaaraha jaamacadda Hargeysa maalintii shalay faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Eng. Cabdiqaadir oo kamid ah Kulliyaddaha Jaamacadaha Hargeysa, waxana uu tilmaamay in dadka jaamacadda Weeraray aanay dhammaantood wada Arday ahayn, balse dadkale duullaanka ka qaybqaateen, waxana uu yidhi, “Ardaydu xagga dambe ee jaamacadda ayey kasoo daateen, wayna isku jiraan rag qaar arday ah iyo qaar aan arday ahayn.Macallimiinta laba kamid ah waa la  dhaawacay oo qaar dhiigaya anigaa xafiiskayga kusoo xidhay, waana arrin cajiib ah oo aanaan filaynin.”

Jaamacadda Hargeysa, ayaa gebi ahaanba haatan iska xidhan, waxana la joojiyey hannaankeedii waxbarasho, iyadoo aan la garanaynin xilliga ay si caadi ah usoo noqonayso hannaankeedii waxbarasho.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporews.com

Comments are closed