|

Shaqaale Weynaha Somaliland oo Shaqooyinka beri fasax ka ah Curashada Sannadka Cusub ee Islaamka awgiis

Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Aarimaha Bulshada Mudane Maxamuud Axmed Barre [ Garaad] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray maanta  ku war galiyay shaqaale weynaha dalka Somaliland in ay fasax ka yihiin  shaqooyinka ay hayaan maalinta beri ah oo ku beegan curashada sanadka cusub ee islaamka 1435 ka  hijriyada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha BulshadaWarsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa waxa uu wasiirku hanbalyo  iyo bogaadin ugu diray shaqaale weynaha j s l curashada sanadka cusub ee hijriyada ah 1435 ka waxaana u rajeeyay in caafimaad iyo barwaaqo ku gaadhaan sanadka sanadkiisa.

Dhanka kalana Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Mudane Nuux Sheikh Muuse Ducaale  ayaa munaasibada dhalashada sanadka cusub ee islaamka ku wargaliayay shaqaalaha dawladu in ay fasaxa ka yihiin shaqooyinka maalinta beri ah oo bishu ay tahay 04/11/2013 oo ku beegan kawda bisha muxaram ee sanadka hijiriga 1435 ka, waxaana uu u rajeeyay shaqaalaha dawlada in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed