|

Shaqaale Qaramada Midoobay Ka Tirsanaa Oo Magaalada Muqdisho Lagu Dilay

Muqidsho,14Dec,015(QJ/SDN)-Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa ku toogtay gellinkii dambe ee maanta xaafada Siigaale ee degmada Hodan; haweeney  la sheegay inay u shaqeynaysay hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, waxaana magaceeda lagu soo gaabiyay Aamina.

Dableyda dilka geystay ayaa la sheegay inay wateen gaadhi, iyagoo ku hor-jaray gaadhigooda gaadhigii ay wadatay haweeneydan, iyagoo markii ay dileenna ka baxsaday goobtii ay dilka ku geysteen.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta qaar ka mid ah u xaqiijiyay dilka haweeneydan iyo darawalkeedii, isagoo aan faahfaahin intaas ka badan ka bixin dilka haweeneydan iyo darawalkeedii.

Sidoo kale goob-joogayaal ayaa iyagana u sheegay warbaahinta in haweeneyda iyo wadihii gaadhiga u waday lagu furay rasaas aad u badan, iyadoo kooxihii ka dambeeyay dilkoodana ay markiiba baxsadeen.

Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa goobta gaadhay, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay kasoo saareen dilka haweeneydan u shaqeynaysay QM, gaar ahaan hay’adda Qoxootiga Adduunka.

Qaramada Midoobay iyo Hay’adda UNCHR ayaan weli ka haldin dilka haweeneydaan la sheegay inay u shaqeynaysay, iyadoo aysan jirin cid mas’uuliyada toogashada Muqdisho loogu geystay haweeneydan iyo darawalkeedii.

Comments are closed