|

Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul W. ayaa halkaan ka tacsiyeenaya Geerida

iisul Wasaaraha oo hormuud u yahay Xooghayaha Joogtada ah Mudane Cabdulqadir Cabdi Faarax waxaa halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaan Ehelkii iyo Qaraabadii  marxuum Cabdishakur Maxamud Cilmi Gurey oo ku geeriyooday shalay galab shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe.

Cabdishakuur Maxamud Cilmi ayaa Agaasime ka ahaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xiligii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dalka.

Allaha ha u naxariisto marxuumka ayaa ahaa shaqsi  ay shaqaalaha xafiisku aad u jecelayeen, xiliguu uu joogayna xafiiska wax badan ka qabtay, wakhtiga ay haleeshay geeriduna waa waqti uu Soomaanaa, laguna jiro tobankii ugu khayrka badnaa bisha Ramadaan.

Waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu ugu naxariista fadliga bisha barkaysan ee Ramadaan,
kana waraabiyo Jantul Firdowso,  samir iyo imaana ka siiyo dhamaan ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shaqaalaha xafiiska RW.

Geeridu waa xaq, qof walbana waqtigiisa dhaafi maayo, waxaan Ilaahay SWT ka baryeeynaa inuusan gadaashiisa na fitnaynin, naga dhigo kuwo ku toosan diintooda.

Amiin! Amiin! Amiin!

Dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

Comments are closed