|

‘Shaqaalaha Wasaaradan Waxaan ku soo Biiray Sannadkii 1996-kii Waxaana Shaqada i Qoray Saleebaan Maxamud Aadan oo ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida” Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda & Khudbadii Xil Wareejinta Maaliyadda DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xaflad uu Xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan, taas oo lagu qabtay Xarunta Wsasaaraddaas Isniintii Maanta.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu ka sheekeeyey xilligii uu Shaqada Wasaaradda bilaabay, Heerarka uu soo maray ee Wasaaradda, Qaabka uu u shaqayn doono, sida uu wax uga qaban doono, Shaqo La’aanta, Musuqmaasuqa iyo Sicir-bararka iyo Isu-dheellitirnaanta Ganacsiga ee Somaliland Ragaadiyey. Sidoo kalena uu Cadaalad, Sinnaan, Alle Kacabsi iyo ku Dhaqanka Sharciga ku maamuli doono Wasaaradda, isaga oo aan u kala eexanayn Shaqaalaha, Wakhtiga Shaqadana lagula Xisaabtami doono Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda. Waxaanu Wasiir Raage u mahad-celiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Xilkaas u magacaabay.

Khudbadda uu Munaasibadda ay isaga iyo Ku-xigeenkiisu xilka kula wareegeen ka jeediyey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed