Shaqaalaha Waaxda Farsamada Ee Dekedda Berbera Oo Sameeyay Dibad-bax Cabasho Ah oo ka Dhan ah Shirkada DPW & Nuxurka Cabashadoodu Waxay Tahay DAAWO
Berbera 13. March 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dekedda Berbera, gaar ahaan Waaxda Farsamada ee loo yaqaanno MT, ayaa sameeyay dibad-bax ay kaga cabanayaan Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda lagu wareejiyey.
Shaqaalahan oo Is-faham waa’ dhanka Mushaharka ahi soo kala dhex galay Madaxa Shirkadda DP World u qaabilsan Dekedda Berbera, ayaa Dekedda Dibadda uga soo baxay isla-markaana Mudaharaad ka sameeyay Gudaha Magaalada Berbera, laakiin waxa markii dambe Rasaas ku kala eryey Ciidammada Booliiska oo halkaa gaadhay.