|

Shaqaalaha Telefiishanka Qaranka oo Shaaca ka Qaadey Sababta ay Dareenkooda Ugu Cabireen Warbaahinta

Hargaysa 06.Dec 2013 (SDN)- Shaqaalaha telefiishanka Qaranka oo Shaaca ka Qaadey Sababta ay Dareenkooda Ugu Cabireen Warbaahinta Kadib Markii ay warabaahinta qaarkood been Iyo Waxba kama jiraan ku tilmaameen eedaha iyo fadeexada Culus ee Dul Hoganaya Meereeyihii Telefiishanka qaranka isla markaana lagu duud siinayo Xuquuqda ka Maqneyd shaqaalaha telefiishanka, laguna qarinayo Eexda,Takoorta,Musuqa,Qabyaalada, iyo maamul Xumada uu ku hayey Shaqaalaha Tv.ga Qaranka JSL ayaa kaliftey in Shaqaalaha Telefiishanka Qarunku ay ku cabiraan Dareenkooda Dhabta ah Warbaahinta JSL

Wasaarada WarfaafintaMaareeyihii Shaqada laga Joojiyey ayaa tan iyo Maalintii Shaqada laga Hor Istaagey Muusa-naw uu kula Wareegayey Qasriga madaxtooyada, ka dib markii uu ku hungoobey Muusanow-gaas Madaxtooyada uu la Tagey waxa uu isu Dayey Inuu Ku Isticmaalo Shaqaalaha Telefiishanka laaluush iyo Lacag xaddhaafa oo uu doonayey inuu ku kasbado Shaqaalaha Quluubtooda.

Sidookale Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa Qorshe uu ku doonayey in maanta (Shalay) Qado Sharaf Uu ku badalayo Afkaarta Ilaa Shan Agaasime iyo Tiro kotomeeyo  ka badan oo isugu jira Weriyayaal iyo Farsamo yaqaanada Tv.ga Qaranka ugu sameeyay Hotelka Fish and Steak. Taasoo Nasiib Darro aan Cidi kasoo Xaadirin,Sida ilo wareedyo ku Dhawaa goobtaasi ay sheegeen waxa markii la waayey cid ka soo qayb gasha qado sharaftaasi, ay Ku Baarixiyowday Hotelkaas, iyagoo mas’uuliyiintii loo yeedhayna si toosa ugu sheegeen in aaney kala soo qaybgaleyn qado sharaftaasi,  dhinaca kale Kaamboolka Wasaaradaas waxa ka Socdey maanta oo Jimce ah (Shalay) Qorshe lagu laaluushayo Mas’uuliyiintan iyo Shaqaalahan baaqa u Direy Madaxweynaha Qaranka Janhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ka dib markiii ay fishilantey qado sharaftaasi waxay markale si ay u Xodxotaan Shaqaalaha Qaad ugu soo dhiibeen laba Xubnood oo si khaldan oo ka baxsan Xeernidaamka Shaqada iyo shaqaalaha kusoo Galey telefiishanka isla markaana loo qorey Lacag Cadadkeedu gaadhayo midkiiba 8 Milyan iyo Iney Wararka ka Baxa telefiishanka Lacagaha laga qaado ku shubtaan Jeebkooda, kuwaas oo lagu kala Magacaabo Axmed Xuseen Warsame, iyo Nin Lagu Magacaabo C/xakiin oo Tafatire ka ahaan jirey Wargeyska Jamhuuriya Xafiiskiisa London isla markaana ay wada shaqeyn jireen Khadar Cali Gaas ayaa waxay Labadooduba weji gabax kala kulmeen Shaqaalaha oo ku gacan saydhey Qaadkaas.

Isku dayga abaabulka iyo xodxodashada shaqaalaha telefiishanka oo  go’aan rasmiya ka qaatey soo noqoshada ninkaas shaqada laga joohiyey ayaa tan iyo maalmahanba waxa ay olele ugu jireen sidii ay u kala jabin lahaayeen iyada oo uu ololahaasna uu Hormuud ka ahaa Maareeye K/Xigeenka Tv.ga qaranka,Oo maamahanba lacagtaas qaybinayey gaadheysa cadadkeenu kumanaan dollar, Waxayse Shaqaalihii ugu jawaabeen“Cun Waa Xaqaagiiyee,Fikirkaagana Cabir.” Si kastaba ha ahaatee ololahan la rabo in lagu kala jabiyo Shaqaalaha SLNTV oo Noqdey mid gebi ahaantiisaba lagu guul dareystey, ayaa ujeedadiisu aheyd mid lagaga hortagayo abaabulka iyo qabanqaabada Shir jaraa’id oo ku dhawaad 200 (laba Boqol ) oo shaqaale ah oo ay hormuud ka yihiin Madax Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ay qaban doonaan maalmaha Fooda inagu soo haya si ay daaha uga faydaan xaqiiqda dhabta ah ee meesha taal.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed