|

Shaqaalaha Jaamacadda Hargaysa Oo Eedo U Jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda,Meeshana Ka Saaray Inay Shaqadda Joojiyaan

Hargeysa,29july,2015(QJ/SDN)-Halkan ka akhriso qoraal kasoo baxay shaqaalaha jaamcadda Hargeysa:

Anagoo ah shaqalaha Jaamicada hargeisa waxa bulshada la socodsiinyna in shaqaalaha jaaamicadu diyaar u yihiin iny shaqeeyaan balse group abaabulan oo Dr Cabdi Aw Gaas abaabulay ay warsaxaafadeed aan la isla ogayn soo saareen.

Umada waxaanu u sheegaynaa in shaqaalaha Jaamicada laga hor taagan yay shaqo tagoooda si ay hawl maalmedkoda u qabsadaan.

Kooxdaasi danaha gaarka u abaabulani waxay diidan yihiin in ay xukuumadda karaamada leh iyo gudida board ka la kulmaan si jaamicada shaqadeedii loo bilaabo.

Jaamicadu badbaado ayay u baahan tahay uma baahna burburin & in ardayda iyo macalimiinta la sii kala diro. Qaska &

wareerka Dr Gaas ayaa ula yimi jaamacida ilaa laga qabtana ma hagaagayso asaga iyo Sacad Cali Shire oo qayb ka ah qaska, jaamicadana ka dhigay mid xaaladeedu ka sii daraysa (Deteriorating situation).

Ardayyda & macalimiinta waxan la socodsiinaynaa in ay jaamicada shaqadeedu dib u bilaabmayso Sabtida 1da August nabad galyadoodana ay sugayaan ciidanka heeganka ugu jira ee booliiska ee hadh iyo habeen hore u sugayay kuna seexanayeen.

Mahad Allaa leh

 

Comments are closed