|

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargaysa oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Mobilada

Hargeysa,2,6,2016 (QJ/SDN) – Shaqaalaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee ka hawlgala madaarka caalamiga ah ee caasimadda Hargeysa, ayaa si rasmi ah looga mamnuucay inay isticmaalaan, isla markaana ku hadlaan telefoonka gacanta (mobile) muddada lagu gudo jiro shaqada madaarka.

Maamulaha Guud ee madaarka caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Mr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyey barta xidhiidhka bulshada ee Facebook shalay, waxa uu sheegay in aan shaqaalaha loo ogolayn inay telefoon ku dhex isticmaalaan shaqada gudaheeda.

“Iyadoo marba marka ka sii dambaysa kor loo qaadayo ammaanka guud ee Madarka caalamiga ah ee Hargeysa, isla markaana laga hortago wax kasta oo fududayn kara in shaqada laga mashquulo iyo feejignaan la’aan ku timaad shaqaalaha madaarka.

Haddaba, waxa toddobaadkan si rasmi ah shaqaale weynaha madaarka Caalamiga ah ee Cigaal (Egal International Airport) looga joojiyey in telefoonka gacanta (mobile) lagu dhex isticmaalo madaarka gudihiisa saacadaha lagu jiro shaqada,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka caasimadda Hargeysa.

Xukukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka guud ee madaarka Hargeysa, iyadoo hore loo mamnuucay xafladihii soo dhawaynta ahaa ee masuuliyiinta qaranka loogu samayn jiray gudaha madaarka caasimadda.

Comments are closed