|

Shaqaalaha Diyaarada Turkish Airlines oo Haweeney Kaga Umuliyey Hawada Sare Kadib Markii ay Foolatay SAWIRO

Ankara 12. April 2017 (SDN/QJ):- Dayuurad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda dayuuradaha ee Turkish Airlines ayaa caga dhigatay iyado uu weheliyo qof dheeri ah, ka dib markii ay haweenay dhashay gabar dayuurada oo hawada ku jirta.

Markii ay haweeneydan dhalleysay ayaa dayuuradan waxay dhulka ka sareysay 12,800 oo mitir oo ah ku dhowaad 13-km, Rakaabka ayaa sidoo kale gacan ka gaystay dhalmada oo timid wax yar uun ka dib markii ay diyaaraddu duushay.

Digaaradda ayaa safarka ka billawday caasimadda dalka Guinea ee Conakry, iyadoo ku sii jeeday magaalada Istanbul, balse sii maraysay magaalada Ouagadougou ee dalka Burkina Faso.

Hooyada iyo gabadheeda ayaa xaaladooda caafimaad uu wanaagsan yahay.

Shaqaalaha diyaaradda ayaa dareemay in Nafi Diaby oo lahayd uur 28 todobaad ah in ay fooli hayso, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Comments are closed