Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo Beri loo fasaxay Xuska 26-ka June
Hargaysa 25.June (SDN) Shaqaalaha Dawlada ayaa maalinta beri oo arbaco ah Shaqada fasax ka ahaan doona Xuska Munaasibada Qaran ee 26.June oo ahayd markii ay Jamhuuriyada Somaliland Xornimadeeda ka hanatay Boqortooyadii Ingiriiska.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Mudane Maxamud Axmed Bare Garaad oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa Wasiirku Waxa uu ku Hambalyeeyay Guud ahaan Shaqaale Weynaha Somaliland Xuska Munaasibada 26 June oo Beri ku beegan isla markaana ah Markii ay Jamhuuriyada Somaliland Gobonimadeeda ka hanatay Boqortooyadii Ingiriiska,Wasiirku Waxa uu Ilaahay ka baryay inuu Sannadkan kiisa inagu gaadhsiiyo Bash bash iyo Barwaaqo.
Dhanka kalena Qoraal ay soo saartay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ayaa lagu sheegay in Shaqaaluhu ay fasax ka yihiin hawlihii ay Qaranka u hayeen waxaana Qoraalkaas ku Saxeexan Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Nuux Sh.Muuse Ducaale.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com