|

Shaqaalaha Ajaanibka ee Shirkada Genel Energy oo Somaliland ka baxaya waa Maxayse sababtu

Burco 06.Sep 2013 (SDN)- Ajaanibta Shirkadda Genel Energy ee hwasha Sahanka ka wada Gobolka Togdheer ayaa galabta ku soo hoyday magaaladda Hargeysa, waxaanay wararka Burco naga soo gaadhayaa ku tilmaamayaan in sababta kaliftay ay la xidhiidho dhinaca Amniga.

Lama hayo warar dheeraad ah oo ku saabsan sababta Ajaanibta ka hawl gasha Shirkadda Genel Eneregy ay uga soo baxeen Burco, hase yeeshee ilo wareedyo hoose ayaa iftiiminaya in Ajaanibtu inay Maanta oo Jimce ah  u Duuli doonaan Dalka Kiiniya.

Genel EnergyQaar ka mid ah Shaqaalaha Shirakaddu  ay  cadeeyay in Ajaanibta shirkadda Genel Energy ay Hargeysa u soo caraabeen, halka ay wali ka sii shaqaynayaan shirkadihii iyo shaqaalihii Wadaniga ahaa ee ay qanadaraasyadda siiyeen.
Dhinaca kale, qof goob jooge uahaa markii ay soo gaadheen Hasrgeysa ayaa sheegay in Ajaaniibta shirkadda Genel Energy u soo galeen magaaladda si kolonyo ah, waxaanu warku intaa ku daray in laga dareemayay xaalad sidii caadiga ahayd ka duwan.
Hay’adda MSF ayaa dhawaaan kia baxay Magaaladda Burco, iyadoo ku tilmaantay in ay uga baxeen arrimo la xidhiidha Amaaankooda, waxaanay talaabadan kale ee ay shirkadad Genel Energy qaaday noqonaysaa haddii aya dhab tahay mid markhaati u hesha ka bixitaankii MSF.
Muran iyo khilaaf aan wali dhamaan ayaa ka dhex taagan dadka deegaanka sahanka laga wado degan iyo madaxda shirkadda Genel Energy, taasina waxa ay keentay in hawl maalmeedkii shaqada Sahanku istaagto.
Talaabada Genel Energy qaadayaa ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii uun wasiirka Madaxtooyaddu Golaha Wakiiladda hortooda kaga faanayay in ay Amaanka Dalka sugeen.
Xukuumada Somaliland ayaa ilaa Iminka aan ka hadlin sababta ay Shaqaalaha Ajaanibka ee Shirkada Sahaminta Shiidalka ee Genel Energy ay uga baxayaan Somaliland inkastoo uu Mudooyinkii u danbeeyay Khilaaf ba’ani ka taagnaa Goobaha ay Shirkadani Sahaminta ka waday.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed