|

Shaqaalaha 14 Hay’adaha kala duwan ee Dawladda ka tirsan oo imtixaan u fadhiistay

Hargeysa, 25, February 2012 (SDN)- Hay’ada Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa maanta tiradii ugu badnayd ee shaqaale dawladdeed ah ka qaaday imtixaanka qiimaynta.

14 hay’adood ka mid ah hay’adaha kala duwan ee dawladda shaqaalahoodii ayaa maanta iyo bari u kala fadhiisanaya imtixaanka qiimaynta shaqaalaha oo muddooyinkii u dambeeyay ay Xukuumadda Siilaanyo ku hawlanayd.

Furitaankii imtixaanka oo ka qabsoomay hoolka hay’ada shaqaalaha ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirrada Deegaanka iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Masuuliyiinta hay’ada Shaqaalaha iyo dhamaan masuuliyiinta hay’adaha uu shaqaalahoodu imtixaanka u fadhiisanayay.

Ugu horeyn waxa ka hadlay madashaas Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Muxumed Aw-cabdi, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa. “Waxa imtixaanka u fadhiisanaya shaqaalaha 14 hay’adood oo kala duwan, waxaana maanta galaya imtixaankaas 190 shaqaale ah, halka barina ay u fadhiisanayaan 230 shaqaale ah, dhamaan waxay isku yihiin 420 shaqaale dawladdeed.” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa kale oo isaguna ka hadlay furitaankii imtixaankaas Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday. “Waxaan aad ugu hambalyaynayaa hay’ada shaqaalaha dawladda dedaalka ay ku jirto oo ah, in maanta aan la odhanayn yaa ku garanaya, laakiin uu qofku ku imanao hebelaw maxaad taqaanaa.” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu fariin u diray shaqaalaha imtixaanka u fadhiisanaya oo ku booriyay inay ku kalsoonaadaan wixii imtixaankaas uga soo baxa.

Hay’adaha Shaqaalahooda maanta imtixaanka u fadhiisanayeen.

1-      Wasaaradda Boosaha Isgaadhsiinta

2-      Guddida Xasuuqa

3-       Komishanka Aids-ka,

4-      Wasaaradda Deegaanka

5-      Golaha Wakiillada,

6-      Golaha Guurtida,

7-      Wasaaradda kalluumaysiga,

8-      Xeer Ilaalinta Guud

9-      Guddda Doorashooyinka

10-   Hanti-dhawrka Qaranka,

11-   Maxkamadda Sare

12-    NDRC,

13-   Wasaaradd Gaashaan-dhiga

14-    Madaxtooyada

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed