|

Shanta Waddan ee Dadka ku Nooli ugu Farxadda Badan yihiin Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ka mid noqotay

Muqdisho 22. March 2017 (SDN/QJ):- Natiijada Baadhitaan ay Qaramada Midoobay maalgelisay, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay Shanta waddan ee Afrika ee Dadka ku nooli ay ugu farxad badanyihiin Qaaradda.

Waxaa sidoo kale shantaasi dal ka mid ah Algeria, Mauritius, Liibiya iyo Morocco. Baadhayaasha diyaariyey Warbixintan, ayaa waxay darseen 155 dal, waxaanay sheegeen in Dadka ugu liita dhinaca farxadda Qaaradda Afrika ay ku nool yihiin dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe, waxa ku xiga Burundi iyo Tanzania. Waddamada kale ee Liiska meesha hoose ka galay waxa ka mid ah; Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan. Warbixinta, ayaa lagu saleeyay su’aalo Dad ka badan 1000 Qof la weydiiyey inta u dhaxeysay 2014- illaa iyo 2016-kii.

 

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjarro ka kooban 10 tallaabo, oo ka dib Dadka la weydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan Jaranjarradaas marka la eego dhinaca faraxadda iyo nolosha ay kunool yihiin.

 

Qeybta Warbixintaasi ee ka hadlaysa Afrika, ayaa lagu sheegay in laba waddan oo keliya Qaarada Afrika ay sameeyeen horumar dhinaca faraxadda ah 10-kii sano ee la soo dhaafay, waddamadaas oo kala ah; Serra Leon iyo Cameroon.

 

Warbixinta, ayaa waxa ka soo muuqanaya Sawir ah in Dadka Afrika ku nool badankoodu yihiin kuwo muujinaya rejo wanaagsan, inkastoo aanay ku faraxsanayn waxqabadka Xukuumadahooda. Waxay sidoo kale muujinayaan bay tidhi Warbixintu dulqaad iyo adkaysi aad u xooggan.

Comments are closed