|

Shango’le Oo Iclaamiyey Inay Maraykan Badan u Dilayaan Hoggaamiyahoodii Geeriyooday

Barawe:Sep,09,2014(SDN/QJ)-Wadaadka Caanka eek a tirsan Xarakada Al-shabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole),, ayaa ku gooddiyey in dilka Hoggaamiyahooda cidda loogu aarayaa ay noqon doonaan Maraykan.

shangoleFu’aad Shan Go’e oo ah Madaxa Dacwadaha ee Kooxda Al-shabaab, ayaa tilmaamay inay  aanay aargudashadoodu ka dhici doonin meelo dhaw, balse ay ciddii dilkaas geysatay halkeeda ugu tegi doonaan.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf, ayaa fariin u diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Barack Hussein Obama iyo dadkiisa, isagoo markaasi ugu goodinaaya in dad badan ay u dili doonaan dilkii Axmed Cabdi Aw Maxamed, uu Mareykanku u geystay toddobaadkii hore.

“Waxaan u sheegeynaa Obama, isaga iyo inta uu hogaamiyo dilka Abuu Zubeyr uu dilay waxaa ka dambeen doonto dil badan, oo Mareykan uu dhiman doono.” ayuu yidhi Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay in ay iyagu yihiin dad wixii ay ku hadlaan fuliya, isla-markaana uu Alle barakeeyo hadalkoodu, sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga dad baanu nahay hadal baan nidhaahnaa, hadalkayagana Allaa barakeeya wuuna fullaa.” ayuu  hadalkiisa sii raaciyey fu’aad shango’le.

Sheekh Shongole, ayaa tiriyay gabay uu ku weeraraayo Madaxweynaha Mareykanka, isagoo markaasi ku sifeynaaya in uu yahay hogaamiye fuley ah, waa sida uu tilmaamaye.

Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa baahisay codka Ina Shongole, iyagoona ku sheegay khudbad dheer oo uu kaga hadlaayay dilkii Ina Godane.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalididasporanews.com

 

Comments are closed