Shan Sano ka hor maxay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaidka Somaliland ee Kulmiye iyo Ucid ka Yidhaahdeen Mudo Kordhinta Guurtida DAAWO.
Hargaysa 17.Feb 2015 (SDN/QJ)- Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo.
Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo. Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye.
23 sanno oo go,doomin ah Somaliland weli way nooshahay, keligeed is deberaysaa, laakiin, haddana, waqti iyo wax saarkii ma werwer la,a maanta.
Maalinba cashar hore u soo maray ayaa dib loogu celinayaa. Maalinba filim ay hore u soo daawadeen ayaa dib loogu shidayaa.
Nidaam kastaaba dhaqankii hore mid ka sii xun buu barayaa, Xannuunada hayaana way tiro bateen. Marka hore iska eeg oo iska hubi qofkaad wax u dhiibanayso ma taqaano, balse ku boob oo rid marka dambe hiddaheedu weeye. Ka daba tag mooyee, ka hor tag ma jiro. Sidaas oo jirta misana, damqashada dareenku ma yara, gilgilashada garaadkuna goblan maaha bulshada dhexdeeda, haddana, horma saarto iyo callool baa dishay, quustuna waa geeri, oo nolosha waa ka xaaraan.
Aynu Wada Dhuuxno Weedhahan oo ah Dhaxalka Maguuraanka ah ee Laga Guntay Hogaanada Somaliland iyo Dhaqanka Siyaasiga mandaqadan “Wixii la wada gaadhay oo dhan ka boodaan oo ay ku shaabadeeyeen hogaankii golaha guurtida in uu deg deg u soo dhigo oo ay ku dhuftaan mudo sannad qaadanaysa mudo kordhintii madaxwaynaha maanta jooga taasina wax suurtoobaysa maaha sharciga ayay ka soo horjeedaa maslaxada ayay ka soo hor jeedaa taariikhda Somaliland oo dhan bay ka soo horjeedaa waa baabiin dalka iyo Umada ah” Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ahna Madaxwaynaha Hada Talada Haya Ahmed Silaanyo
“Waxa weeyaan waa dawlad bilaa sharci ah waxaanu nahay sadex xisbi oo tartamaya haduu xisbi iska samaysto muddo kordhin anigu waxaan ku talinayaa hadaan faysal ahay in aanu anaguna dawlad smayno oo labadayada midkood madaxwayne u yahay waliba aan ka codsanayo aniga siilaanyo ina uu ii daayo “ Gudoomiyaha Xibsiga Ucid Eng Faysa Ali Waraabe