Shan Qof oo Ku Dhintay Weerar Is Miidaamin ah oo lala eegtay Aqalka Baarlamanka Somalia daawo
Muqdisho 05.July 2014 (SDN/QJ)- Ugu yaraan shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidan ilaalo ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar is-miidaamin ahaa oo lagu qaaday xarunta baarlaamanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 11-qof oo kale.
Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday gadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay mid ka mid ah albaabbada baarlamaanka xilli ayxubnaha baarlamaanka Soomaaliya sii galayeen xaruntooda
Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Gaashaanle dhexe Qaasim Axmed Rooble oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegay inay ku dhinteen laba caruur ah oo ku noolaa kaamam ku yaalla agagaarka xarunta baarlamaanka, laba askari oo ilaalada baarlamaanka ka tirsan iyo ruuxii weerarka fuliyay.
“Gaadhiga ismiidaminta lagu fuliyay waxaa arkay ciidamada ammaanka oo heegan ku jiray, waxayna ku billaabeen rasaas intii aanu bartilmaameedkiisa gaadhin, ayuu qarxay xilli uu ruuxii waday dhimasho ku dhow yahay,” ayuu yidhi afhayeenka guud ee booliiska.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com