|

Shan Qodob oo Golaha Wasiirada Dawlada Federaalku Ku Ogolaadeen Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Hanti dhawrihii Guud ee Qaranka oo Ka Been Sheegay Sida uu u Dhacay Dilkii Wasiir Cabaas Siraaji

Muqdisho 05. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Xalay xilkii laga qaaday hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Shir golaha wasiirada xukuumada Somalia ee xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayey wararku sheegayaan iney isku raaceen in xilka laga qaado Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

 

Xilka ka qaadistan lagu sameeyey hanti dhowrka guud ayaa lala xiriirinayaa dilkii xalay ilaaladiisu u geysteen wasiirkii howlaha guud ee Xukuumada marxuum Cabaas Siraaji oo Shalay galab aas Qaran loogu sameeyey Muqdisho.

 

Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer Illaaliyaha Guud, waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xiran yihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baaristooda

 

Haddaba waxaa idin soo gudbinaynaa illaa shan Qodob oo golaha wasiirada la hor keenay kuwaasoo sababay in xilka ka qaadis lagu sameeyey hanti dhowrka guud ee Qaranka, waxayna kala yihiin sidatan:-

 

1-Inuu ka been sheegay hanti dhowrka guud falkii goobta ka dhacay, wareysi uu siiyey idaacada VOA-dana ku xusay in wasiirka uu ku dhintay israsaaseyn dhexmartay labo ciidan, iyadoo hal xabad oo kaliya ay goobta ka dhacday taasoo aheyd tii lagu toogtay wasiirka.

2-In qoriga laga riday wasiirka uu ahaa mid aan sharciyeysneyn, iyadoo askariga falka geystay qorigiisa uu meel kale soo dhigtay.

 

3-In uusan wasiirka u gurman markii uu falku dhacay ka dib, uuna isagoo la socda gaariggiisa ka dhaqaaqay goobta, iyadoo meydka wasiirku uu ku dhex jiro gaarigii lagu dhex toogtay.

 

4-Inuu ka hor dhacay baaritaanka ay arintaas ku sameynayeen laamaha amaanka ka dib markii uu wareysi siiyey idaacada VOA-da, kana ka been sheegay waxa goobta ka dhacay.

 

5-Dalab ka yimid guddiga baaritaanka wada si ay ugu fududaato iney su’aalo weydiiyaan Dr. Nuur Faarax Jimcaale haddii loo baahdana talaabo deg deg looga qaado.

Comments are closed