|

Shan Kamid ah Wariyayaashii Idaacadaha SKY FM Iyo Shabelle Oo Magangelyo Laga Siiyey Talyaaniga

Rome:June,26,2015(SDN/QJ)-ugu yaraan shank amid ah wariyayaashii iyo maamulkii   idaacadaha xanniban ee Sky FM, iyo Radio Shabele ee magaalada Muqdisho ayaa  loo qaaday dalka talyaaniga kadib markii ay halkaasi ka heleen magangayo siyaasadeed.

skyTallaabadan, ayaa timi markii idaacadahan iyo dawladdu isku dhaceen, isla-markaana la joojiyey baahintii idaacadahani Magaalada Muqdisho ka hayeen.

Qaadista wariyayaashaas, ayaa la sheegayaa inay fududeeyeen urur wabaahineed oo dalka talyaaniga ka jira, kaas oo ku guulaystay inuu wariyayaashaas u fudaydiyo inay Talyaaniga degaan.

Wariyayaasha iyo maamulka la qaaday ayaa xukuumada Xasan sheikh hore xabsiga u dhigtay, waxana ay arrintaas ka gudbiyeen Dacwado ay u kala direen Ururro badan oo saxaafadeed oo kan haatan qaaday uu ku jiro.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed