|

Shan Kamid ah Shaqaalaha Hay’adda Solidarity Oo Al-shabaab Afduub ahaan u Kaxaysteen

Faafax-dhuun:April,13,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay  galabnimadii shalay Afduubteen Shan kamid ahaa Shaqaalaha Ha’yadda Samafalka ee Solidarity xilli ay Hawl-maalmeedkooda ku gudo jireen.

dhaaroWarku waxa uu intaas ku darayaa in Shabaabku dhexda u galeen Baabuur shaqaalahani la socdeen oo marayey Gudaha Gobolka Gedo, waxana loo kaxaystay Dhinaca Degmada Baardheere oo ah saldhigga Ururka Al-shabaab.

Wararka  laga helaayo Degmada Baardheere, ayaa waxay sheegayan in la soo gaadhsiiyay xubnaha ka tirsan Hay’adda Solidarity, oo fadhigeedu uu yahay Degmada Ceelwaaq.

Shabaabka, ayaa hore Hay’adda Solidarity uga eryay Degmada Baardheere, markii uu khilaaf soo kala dhex galay, wixii xilligaa ka dambeeyayna xaruntooda ugu weyn waxay ka sameysteen Ceelwaaq.

Solidarity oo dalka dibaddiisa laga leeyahay, ayaa lacago caddaan ah u qaybin jirtay dadka itaalka daran ee ku nool Gobolka Gedo, waxayna dadka deegaanka u ahayd il ay taageero ka heli jireen.

Lama garanayo waxay Shabaabku ka yeeli doonaan Shaqaalaha Solidarity, oo dhammaantood la sheegay inay Soomaali yihiin, oo aanay wax ajaaniib ah ku jirin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed