|

Shan Kamid ah Kooxaha Dhul-jiifka ah Oo Lagu Toogtay Magaalada Nairobi

Nairobi:Aug,30,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Nabad-sugidda Magaalada Nairobi ayaa Toogasho ku dilay Shan nin oo la sheegay inay ahaayeen Budhcad la raadinayey.

maseeRaggan ayaa lagu toogtay Laba Goobood oo kala duwan, iyadoo Ciidanku xaqiijiyey inay Ragaas ka heleen laba qori oo nooca Fudud ah oo ay siteen.

Dhacdadani ayaa waxa mid ka mid ah ay ka dhacday Kabarnet Road agagaarka Kilimani halkaasi oo ay booliiska ku dileen 3 qof .

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in ragani budhcada ah ay isku dayeen in ay weeraraan oo ay dhacaan gaadhi ay booliiska saarnaayeen oo aan lahayn calaamada booliska.

Sidoo kale booliska ayaa rag looga shakiyay budhcadnimo waxa ay ku toogteen xaafada , Kawangware, halkasi oo la sheegay in ay dhac ka gaysanayeen .

Abaanduulaha ciidamada booliiska Nairobi ayaa waxa uu sheeagy in booliiska ay kordhiyeen islamarkana ay sii xoojiyeen howlgalaad ka dhanka ah budhcada .

Kenya ayaa waxa muddooyinkan kusoo badanayey rag budhcad ah oo dhac u geysanayey Gaadiidka dadweynaha iyo waliba Meheradaha Ganacsiga eek u yaalla meelo kala duwan oo dalka ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed