Shaley Iyo Maanta Hadallada Is-dhaafka Ah Ee Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Fadeexadda Dul-Hoganeysa DAAWO
Hargaysa 15. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaga oo ku sugan dhawaan dalka Imaaraadka Carabta si cad u sheegey in heshiiska saldhigga milllatare laga siinayo dalka Imaaraadka Carabta ay wada saxeexeen xukuumaddii hore ee Somaliya ee uu hoggaaminayey Xassan Sheekh Maxamuud.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa ugu baaqey in dawladda Cusub ee Farmaajo ay ixtiraanto heshiiskii ay wada saxeexeen xukuumaddii hore iyo dawladda Somalilnad ee heshiiska saldhigga Millatari.
Geesta kale wasiir Maxamuud Xaashi mar laga wareysanayey Laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa uu si cad u sheegey in heshiiska saldhigga millatari ay dawladda Somaliland kaligeed saxeexdey,oo aaney shaqo ku lahayn dawladda Somaliland.