|

Shalay: Maalin U Jawaabaysay Maalmo Hore Warbixin Dhinacyo Badan Leh

Hargeysa, 12 Oct 2015  (SDN/QJ)  -Iyadoo maalmihii tagtadii dhawayd loogu yeedhay maalmihii Muuse Biixi, isla markaana uu qaaday ollole astaan u ahaa tartanka doorashada xisbiga Kulmiye dhexdiisa, kuna qabtay magaaladda Hargeysa  shirar xidhiidh ahaa oo uu ku soo bandhigay taageerayaashiisa, ayaa shalay waxay ahayd maalin kale oo ka duwan oo ka jawaabaysa dharaarahaa hore.

20151011_111745-1024x614Waxay ahayd maalin ku luuqaynaysay heeso ka duwan kuwii dhacdooyinkii maalmahaa hore. Waxay ahayd maalin jilayaasheedu u arkayeen  mid ay aamuskii iyo gabashadii dharaarihii hore kaga bogsadeen.

Waxay u ekayd mid goor horeba loo sii diyaar garoobay, isla markaana xafiiltanka iyo isbeejinta kaambaynka doorashada astaan u ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed  Biixi Yoonis oo ka mid ah murashixiinta u tartamaysa jagadda murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye oo ka soo laabtay socdaal dibadda ah ayaa taageerayaashiisu u diyaar garoobeen soo dhawayntiisa, isla markaana waxa madaarka Hargeysa tegay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo isugu jiray wasiiro, Xildhibaano, agaasimayaal, madax dhaqameed, odayaal, dhalinyaro, haween iyo qaybo kale oo isugu jiray taageerayaashiisa golaha dhexe ee xisbiga iyo dadweyneba.

Inkastoo golaha xukuumaddu magac ahaan mid yahay, haddana waxa laga dheehanayay dhacdadaa shalay kala qaybsanaanta xukuumadda ee tartanka doorashada, taasoo saamayn ku yeelatay soo dhawayntii murashaxa, waxaanay weriyayaal goob joog ahaa sheegeen in la arkayay qaar ka mid ahaa masuuliyiinta soo dhawaynaysay Maxamed Biixi oo la muransan saraakiisha madaarka qaar ka mid ah, kuwaasoo saluugay xeelado ay u arkayeen in aanay ku qumanayn qaabka soo dhawaynta, kuwaasoo ay u tirin karaan wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi oo isagu ka mid ah masuuliyiinta la safan Gudoomiye Muuse Biixi. Hase yeeshee weriyayaasha qaarkood waxay tilmaameen in adkaynta galaangalku ay u ekayd uun mid lagu xoojinayay amniga madaarka, balse aanay jirin wax dheeraad ah oo la sheegi karaa.

Dhanka kale wejigii hore ee soo dhawayntaa kadib waxa  laysugu tegay huteel Crown, halkaas oo taageerayaasha Maxamed Biixi ka jeediyeen khudbado ka turjumayay yoolkooda. Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Gudoomiye xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Waabeeye. Weedhihii halkaa ka jeediyayna wax aka mid ahaa; ““Maalin dhawayto xaflad ka dhacday huteelka Kaah ayaa dad tiro yar oo ka soo jeeda xaafadayadu ay ka hadleen,  waad aragtaan oo Majooratigii xaafadayadu halkan buu jooga maanta, Weliba dadkii halkaa joogay ee sheeganayay golaha dhexe waxay ahaayeen dad dhawaan soo galay xisbiga kulmiye, Waxan leeyahay dhawaan soo galku xisbiga KULMIYE kama hadli karo, golaha dhexe marka laga hadlayana adeer rageedii baa jooga. Waxa maanta halkan fadhiya oo aan idiin caddaynayaa dadkiinna reer Somaliland Golihii dhexe ee Xisbiga KULMIYE intiisii badnayd baa halkan fadhida, waxaad in dhawaydba Warbaahinta ka maqlayseen tiro yar oo siddeed iyo sagaal ah oo meelaha qaar isku urursata, laakiin waxaad maanta aragtaan in intii badnayd ee Xisbiga KULMIYE halkan fadhido.”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Cabdikariin Xinif oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo sheegay inay xubno aanuu magac dhabin oo ay isku beel yihiin ay faafiyeen wax uu ugu yeedhay warar aan jirin. “Sheeko ayaa la iibiyaa, inamo xaafadayada ah ayaa iibiya, dadkay u sheegaan, Madaxweynaynihii ayaa soo hadlay, qof kale ayaa soo hadlay, mid kale ayaa soo hadlay, Waxaanay yidhaahdaan hebel taageera ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waa been. Waxa la foojari garaynayaa Golihii dhexe, waxa liiskoodu yaalaa xeer ilaalinta iyo meel kasta, waxa la wadaa in dad kale la soo galiyo oo aan aheyn xisbiga Golihiisa dhexe iyo guddida fulinta xisbiga. Waa In la ogaado cidda shirka wada ee guddoominaysa, ilaa iyo taas la isla saxo wax soconaaya ma jirto, waa in la fahmaa u jeedada.” Ayuu yidhi Xinif. Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi;  “beryahaaba waxaynu maqlaynay sheeko la yidhaahdo dadka laga tirada baddan yahay iyo Dumarka kooto ha la siiyo, Xisbiga (KULMIYE) cid kooto loo siin-maayo.Waxa imika muuqda Afar murrashax oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, afarta murrashax si xora oo loo siman yahay oo xalaala oo xoriyad leh oo aan garab-taabasho lahayn oo aan dhafoor taabasho lahayn inaanu u codayno waanu ku khasbanahay”.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif oo isna halkaa ka hadlay wuxuu ku kaabay xubnahaa hore oo uu yidhi; “Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Maxamed Biixi Yoonis oo aan garanayo waxa uu gudo iyo waxa uu galo inaan dadka u sheego inuu yahay qof aan ku aamini karno hogaanka Xisbiga, Xisbigana ka saari kara tartanka adag ee uu ku jiro.Waayo waxa maanta la galayaa waa tartankii Xisbiga gudihiisa, intaas arrintu ku dhamaan meyso.Xisbigu waxa uu geli doona tartan adag oo uu la geli doono Xisbiyada qaran ee jira, markaa waa inaynu is-weydiino waar yaa tartankaa adag ka saari karaa? Waxaynu aaminsanahay inuu Maxamed Biixi Yoonis inuu yahay shakhsiga ka saari kara.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Haddii ay mar dhacday in cid uun loo tanaasulay, oo looga tagay wax dadka u dhaxeeyey dib u dhici-mayso, waa lagu tartamayaa Xisbiga gudihiisa ninkii guuleysta ayaa la soo saarayaa.” Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa la tartamayaa si xor iyo xalaal ah, cidkasta oo Golaha dhexe ee ka soo baxda waanu ixtiraami doonaa. Waxa soo socda tartan adag ILAAHAY tartankaas si wanaagsan ha inoogu dhameeyo”. Wasiirkii hore Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa “Anigu waxaan ka tirsanay Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga KULMIYE, waxaan u sharaxanay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE”

Wasiirka Qoyska iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir oo halkaa ka hadlay waxa isna weedhihiisii ka mid ahaa; “Waxaanu dooran doonaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxaynu isugu yeedhi doonaa Guddida fulinta ee Golaha dhexe oo xubnihii halkan ay ahaayeen kuwii metelayey, waxaana loo baahan yahay inay isu yimadaan si ay u diyaariyaan shir xor ah oo xallaal ah. Murashaxa Madaxweynaha Maxamed Biixi Yoonis waxan leeyahay, waxa kuu diyaar ah Golihii dhexe, waana kugu soo dhaweynaynaa.” Wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Mudane Wasiir, Waxa gaws dambeed u ah xisbigeena Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waa damal la hadhsado. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo haddaad taqaanaan waxa weeye geela haddaad taqaanaan waa awrka la yidhaahdo gurgurshaaga, midna hayin baa la yidhaahdaa, midna biyo ma daadshe ayaa la yidhaahdaa. Boqolka geela ahiba way wada wannaagsan yihiin, laakiin kaas ayaa laga xushaa.”

Guud ahaan marka laysku soo xooriyo  dhacadooyinkii shalay waxay ahaayeen qaar iftiiminaya loollanka adag ee tartanka doorashada, ee lagu beegsanayto 10. Novembar.

 

Comments are closed