|

Shalay iyo Madaxtooyada: Dedaalkii Siilaanyo, Dabuubtii Saylici, Debac La’aantii Guurtida Iyo Duur-xulkii Dhinacyada

Hargeysa:Aug,07,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyahaasha Guddiyada Golaha, iyo Shirguddoonka Golaha Guurtida, ayaa Maalintii shalay kulan qarsoodi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, waxana Halkaas lagu lafo guray sidii la isu waafajin lahaa Go’aankii Muddo-kordhinta Guurtida iyo Heshiiskii xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridku dhawaan isla gaadheen oo aan wali la Fulin.

sixoKulkaas oo xafiiska Madaxweynaha ka dhacay, isla-markaana saxaafaddu dibadda ka joogtay, ayaa markii soo dhammaaday waxa halkaas loogu yeedhay warbaahinta Xukuumaddu gacanta ku hayso, waxana ay Xubnihii Guurtida ee fadhigaas ka qaybgalay ay faahfaahiyeen Nuxurkii kulankaas.

Xog hoose oo wargeyska Hubaal ka helay fadhigaas, ayaa  shaaciyey in Madaxweyne Siilaanyo oo fadhigiisa uu wehelinayey Ku-xigeenkiisu, waxana dhinacyadu ku dheeraadeen sidii heshiiskaas looga dhigi lahaa mid ay Golaha Guurtidu ku dabbaqaan Mudd-kordhintooda.

 

Dedaalkii Siilaanyo u galay inuu Ku-xigeenkiisa Qanciyo

Xogahani waxa ay sheegeen inuu madaxweynuhu ujeeddada ugu weyn ee Kulankaas uu ka lahaa ay ahayd sidii uu ugu qancin lahaa Ku-xigeenkiisa oo wali si weyn uga cadhaysan in heshiiskii uu gacantiisa ku saxeexay noqdo mid aan hirgelin, isagoo marar badan arrintaas madaxweynaha uga cawday.

Madaxweynaha Laftiisa, ayaa ku-xigeenkiisa u muujiyey inuu jeclaan lahaa sidii heshiiskaasi u hirgeli lahaa, balse ay caqad wali yihiin Guurtidii muddo-kordhinta samaysay, waxana isagoo Goob-joog ah uu u yeedhay Xubnihii ugu tunka weynaa Guurtida inkastoo uu Guddoomiye Saleebaan Wali Maqan yahay.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida xogaha aanu haynaa xajiiyeen waxa uu Xubnihii uu shalay la kulmay ee Golaha Guurtida ka socday  u sheegay isagoo uu ku-xigeenkiisu goobtaas fadhiyey inuu diyaar  si niyad ah Guurtida uga codsanayo inay isku dayaan sidii Heshiiskii uu Ku-xigeenkiisu saxeexay iyo Muddo-kordhintooda ay  ay Guurti ahaan isu waafajin lahaaye, isagoo intaas raaciyey inuu dhinaca kale ixtiraam weyn u hayo Sharciyadda Guurtida, isla-markaanu aanu farogelinaynin.

Dabranaantii Saylici Iyo Dabuubtii Uu Dhiibtay

Saylici oo maalintii shalay In badan isku dayey inuu Goob madaxweynuhu joogo  Guurtida kaga dhaadhiciyo inay heshiiskii uu saxeexay u qiil sameeyaan, ayaan helin jawaab Farxad gelisa, waxana uu Guurtidii hortiisa timi  kala kulmay jawaabo xidhan oo dhaafi waayey inaanu sharciggu sheegayin meel Go’aan Guurti  oo cod lagu meel mariyey markale lagu masaxi karo.

Saylici oo haysta kalsoonida madaxweynihiisa, ayaa afkiisa ula baxay inuu Guurtida usoo bandhigo maslaxadda ku jirta Hirgelinta Heshiistaa, waxana uu u sheegay inay wax walba ka door bidaan danta dalka, isla-markaana ay xeer jajab adeegsadaan, maadaama ay somaliland hore caan ugu ahayd inay maslaxad ka doorbiddo sharciyadda waddanka.

Waxa uu u sheegay in xukuumad ahaan ay saxeexeen heshiis uu isagu gacantiisa ku saxeexay, isla-markaana ay dareemayaan in wixii ay saxeexaan iyagoo maraya dariiq habboon oo aan marnaba Guurtida tooda dhaafayn, haddana heshiiskaas la hirgeliyo.

Falcelintii Xubnaha Guurtida

Xubnihii shalay kulankaas xaadiray oo u badnaa  shakhsiyaad talo-qabeenka ah e emus-dambeedka u ah go’aanada Guurtida, ayaa si adag uga horyimi soo jeedimihii madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa, waxana ay cuskadeen sharciyadda waddanka, iyagoo ku adkaystay inaanay haynin sharciyad u saamaxaysa inay Go’aankooda Beddelaan.

Waxa ay ku adkaysteen in Haddii Go’aankaas dib loogu noqdo ay burbur noqonayso Dawladnimada Somaliland  haatan ku faanto, isla-markaana ay horseedayso muran mustaqbal iyo in cid waliba dalbato in Go’aamada Hay’adaha dalka xeer jajab lagu galo.

Gebo-gebadii

Ugu dambayntii Kulankaas ayaa lagu kala dhaqaaqay iyadoo aan wax isu tanaasul ah laga gaadhin waxase xusid mudan in labada dhinac marwalba isku muujinayeen inay ixtiraam iyo qaddarin iskugu hayaan Hawlaha qaanuunka waddanku u kala asteeyey, iyaadoo qolo waliba qolada kale u muujisay  inay shaqadooda u madax bannaan yihiin.

Saylic ayaa u muuqday mid waxoogaa qancay, isla-markaana ay ka khafiiftay culaystii dhinaca hirgelinta heshiiskii uu saxeexay ka saarnaa, maadaama uu si xorriyadi ku jirto Ciddii ay wax ka go’ayeen oo ah Guurtida ula xaajooday.

Kulankaasi ayaa u muuqday kii ugu dambeeyey kulamo dhawr ahaa oo madaxweynuhu iskugu dayey inuu Guurtida kaga dhaadhiciyo inay Go’aankooda ku beddelaan, waxana jawigii  lagu kala dhaqaaqay ahaa mid qolo waliba qolada kale kaga tagtay inay shaqadooda qabsadaan oo dalka loo qabto hawlihii distooriga ahaa ee loo kala xil saarnaa.

Waxyaabaha astaamaha u ahaa inay soo afjarmeen Isku dayadii madaxweynuhu Ku muujinayey inuu Wali Guurtida War ka sugayo, ayaa waxa kamdi ahaa in Markii ugu horraysay loo yeehay Saxaafadda dalka, gaar ahaan kuwa madaxa bannaan, iyadoo kulamo tiro badan oo sidan oo kale uu madaxweynuhu ula yeeshay Xubno Guurtida kamid ah aanay wax saxaafad ahi goob joog ka ahayn.

Xubnaha Kulankaas shalay ka xaadiray, ayaa waxa kamid ahaa Xildhibaan Xaaji Cabdi-waraabe, Xildhibaan Indho-indho, Xidh. Xirsi, Xildh. Muxumed Aw Cabdi. Xildh. Siciid Jaamac iyo mudanayaal kale.

 

Xigasho:Wargeyska Hubaal

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed