“Shalay Annigaa Wasiirka Madaxtooyadda Ahaa Ma Jiro Nin kaliya Oo Cabashadiina ii Soo Gudbiyay Haduu Jiro Anniga Ii yeedha Oo Hay Sheego” Hogaamiye Xirsi DAAWO
Burco 25. September 2017 (SDN/QJ):- Wefti uu hogaaminayo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Kormeer ku maraya deegaano ka Tirsan Gobolka Togdheer.
Hogaamiyaha Waddani ayaa deegaano badan waxa uu ka soo furay Xafiisyo uu jiidaas ku yeelanayo Xisbiga Waddani Isagoo dhanka kalena Xaflado u sameeyay taageerayaal la sheegay inay ka soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye kuna soo biireen Xisbiga Waddani.
Hogaamiye Xirsi ayaa la gar dhigtay qaar ka mid ah waxgaradka deegaanada uu Maray isagoo Yidhi ‘’Dhamaan tageerayaasha kala duwan ee kuso biiray Xisbiga Waddani ee nasoo dhaweeyey ee deegaamada Didinta,Booraamo,Kal-Bare, waad ku mahdsan tihiin sida qiimahaha iyo milgaha leh ee aad noosoo dhawyseen noolana qaadateen inaad Xisbiga Waddani wax gashataan,
“Haddii aad xisbigii ku soo biirteen oo tidhaahdeen waanu dhisaynaa waad ku mahadsan tihiin annaguna waanu idinka ajiibnay, ta ugu horraysa ee laga hadlay ee laga hadlay ee cagafta bari ayaanu keenaynaa, Xildhibaannada Burco saw idinku maydaan dooran? Saw Maayirka idinku maydaan dooran? Iyagu miyay wax idin qabteen, dawladda dhexe miyay wax idinka keeneen? shalay anniga ayaa wasiirka Madaxtooyadda ahaa oo xataa nin kaliya oo cabasho ii soo gudbiyay ma jiro ii yeedha anniga ha sheego,
Hadda waydinka arkay oo waxa uu leeyahay dadku aniga ayay ii xidhan yihiin oo Hagbad lagu leeyahay, waar ma waxbaa laydinku leeyahay? Dee duruuftiina waydinkaa sheeganaya ma cid ayaad u xidhan tihiin, ma cid ayaa idin leh, waxa aanu ka kari laanahay waar ummadu waa xor ee dadka haddii aad wax u qabanaysaan barnaamij la kaalaya”
Xafiiska aad u furteen ee qalabaysan ee laga shaqeeyay ee odayaasha iyo deegaanku fureen aad ayaad ugu mahadsan tihiin waanu idinka guddoonay, shayga labaad ee aad ka hadasheen ee ah degmadan in wax laga qabto oo aanay runtii ka muuqan aasaartii dawladeed oo saldhig ka muuqan oo horumarkii caafimaad ka muuqan, waxa muuqata in hanaankii degmada la magacaabay iyo wax qabadkeedu is lahayn, anagu xisbi ahaan waanaga raadinayna in aanu la wareegno tallada dalka insha Allahu tacaalaa, haddii aanu ku guulaysno baahidiina wax weyn ayaanu ka qaban doonaa, iminkana waxa aanu sii bilaabaynaa saldhigga in aanu idin dhisno, ballan been ah ma naqaano, sheekha bari amma saadanbe ka eega isaga oo bilaabay isha allaah u tacaalaa”