Shakhsiyaad Tiro Badan Oo Shabaabku U Qabqabteen Dilkii Aadan Garaar Iyo Baadhitaanno Lagu Wado
Baardheere:Mar,14,2015(SDN/QJ)-Kadib Duqayntii Maraykanku ku Dileen Xubin muhiim u ahayd Kooxda Al-shabaab Oo Lagu Magacaabi Jirey, ayey Xarakadu qabtqabteen tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay dilkaas ku lug lahaayeen.
Garaar waxa uu xubin muhiim ah uu ka ahaa Xoogaga Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab. BBC ayaa sheegtay in ninkaasi lala xidhiidhinayay weerarkii ay Shabaabku ku burburiyeen rugtii ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.
Diyaarad aan duuliye lahayn, ayaa la rumeysan yahay inay duqeysay gaadhi uu la socday Aadan Garaar, isla-markaana uu weerarkaasi ku dhintay.
Shabaabka, ayaa dad kala duwan ka qab qabtay Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere. Dadka la qab qabtay waxaa ku jira xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo weerarkasi looga shaki qabo inay fududeeyen.
Ragga la xidhay, ayaa waxaa intooda badan laga qab qabtay Degmada Diinsoor, oo uu ka tagey Aadan Garaar, iyadoona uu ku sii jeeday Degmada Baardheere.
Ragga la tuhmayo, ayaa baadhitaano lagu marsiinaya xarumo dembi baadhiseed oo Shabaabku ku kala lee yihiin Baardheere iyo Diinsoor.
Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ayaa sheegtay in diyaaradahooda ay weerar cirka ah ku qaadeen kolonyo, ay la socdeen Saraakiil Ururka Al Shabaab ka tirsan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan waxyeelada ka soo gaadhay, inta ay gaadhsiisan tahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com