|

Shakhsigii Ka Badbaadiyey inaan La Bililiqaysan Wershada Kabista ee Hargaysa oo Ka Sheekeeyay Mahadhooyinkii ka Soo Maray

“Ciidankii aan Hogaaminayay Waxay Nasiib u Yeesheen inay Qabtaan Wershada Kabid”

‘’Qiimayn iyo Daraasad la soo Saaray Waxaa lagu Ogaaday in Wershadaasi 95% Qalabkeedii yaalo,Isla markaana ay Shaqayn Karto hadii….”

 “Mudo Shan Sanno ah oo Ciidan Qaran iyo Dawladi Jirin waxaanu ku jirnay dagaal laba Kooxood ah Midina doonaysay inay waxan qaataan ta kalena ay difaacayeen”

 Hargaysa 04.Sep 2016 (SDN/QJ):- Gaashaanle Sare Saleebaan C.laahi Warsame  Wuxuu ka mid Yahay Saraakiisha Ciidamada Qaranka Sidoo kale Wuxuu ka mid ahaa Halgamayaashii kaalinta Muga leh ka soo qaatay Halgankii Dib u Xoraynta iyo Dhismaha Wadanka.

 

Gaashaanle Sare Saleebaan C.laahi Warsame  ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo ku suntan Taariikhdiisa nololeed iyo Waxa lagu xasuusan doono.

Gaashaanle sare Saleebaan C.laahi WarsameMujaahid Saleebaan C.laahi Warsame  Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshada Somaliland Waxaanu Xog Waran dhinacyo badan leh siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

Ugu horayn Saleebaan C.laahi Warsame  Waxaa la Weydiiyey Halkii uu ku dhashay,Sannadkii uu dhashay iyo Halkii uu ku soo barbaaray waxaanu ku Jawaabay ‘’Waxaan ku dhashay Deegaan Hargaysa u dhow oo la Yidhaa Badar wanaag 1948,Anigoo Yar ayuu aabahay dhintay dabadeed nin aanu Walaalo nahay oo Berbera Joogay ayaa la ii geeyay’’.

 

Waxaa kale oo Saleebaan ka hadlay Halkii uu Wax ku soo bartay ‘’Walaalkay Wuxuu igu daray Malcaamad iyo Iskuul hoose markay Sadex Sanno marayso ayuu Jabuuti u Wareegay Wixii intaas ka danbeeyay anigaa Wax is baray’’

 

Mar la waydiiyey Xiligii uu ku biiray Ciidankii Lagu Magacaabi Jiray Xoogii Dalka Somalia iyo Khibradihii uu ka Korodhsaday ayaa waxa uu ku Jawaabay ‘’Waxaan ku biiray 1967-dii,Waxaanu Noqonay Ciidan la Yidhaa Kamaandows oo si Gaar ah loo tababaro Waxaana Jiri Jiray laba Urur oo Kamaan-daws ah af soomaaligana Danab lagu odhan Jiray Midi wuxuu ahaa Kaayaga oo Sheekh ayaa lagu aasaasay Ururka Kalena Wuxuu Joogi Jiray meel la yidhaa Mahadaay,Mudadaas dheer ee aan Ciidanka ku Jiray 12 Jeer Ayaan ka dalacay,Waxaa kale oo aan Galay laba Kuliyadood oo Mid la odhan Jiray Jaalle Siyaad ta kalena la odhan Jiray Gahayr Markii danbe Sannadkii 1988kii Ayaa anigoo Gaashaanle dhexe ah waxaan ku soo Biiray Jab’hadii Xoraynta waddanka ee SNM,Dabadeed waxaan Markiiba noqday Taliyaha Guuto la odhan Jiray 12aad ilaa Markii dalka la soo galay Guutadaas Ayaan Taliye u ahaa,Sida Shahaadadani Cadaynayso oo uu bixiyey alle ha u naxariistee Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland Marxuun C.raxmaan Axmed Cali waxaan ahaa ragii faro ku tiriska ahaa ee Jid goynta ka galay Meesha la Yidhaa Geedka dheenta oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera isla markaana kala jartay inuu Cadawgu isu gurmado’’

 

Mujaahid Saleebaan C.laahi Warsame  Waxyaabaha loogu soo Xushay Barnaamijkan waxa Kaalinta Kowaad ka ahayd in Ciidankii uu hogaaminayay ay Nasiib u yeesheen inay Gacanta ku dhigaan Wershadii Kabida ee Magaalada Hargaysa ay ku lahaayeen Ciidamadii Xoogii dalka Somalia taas oo lagu farsamayn jiray dhamaanba agabyada Ciidamadu ku hawl galaan, Waxay ka duwanaadeen isaga iyo Qaybo ka Tirsan Ciidankii uu horjoogaha u ahaa Waxyeelo la soo Gaadhsiiyo Wershadaas oo Qiimo Balaadhan u leh Dalka Gaar ahaan Ciidamada,Taas oo ka badbaadisay Bililiqadii Xooganayd ee lagula Kacay Dantii Guud ee la wada lahaa,Mujaahid Saleebaan C.laahi Warsame  oo ka hadlaya dhacdooyinkii ka soo maray Gacan ku dhigista iyo Xafidida Wershadaasi wuxuu yidhi

 

‘’Wershadan tii ku Laba noqonaysay waxay Dawladii Ruushku ka samaysay Magaalada Muqdisho,Waxaanan Taariikhda ku hayaa in Wershadaha noocan ah laga sameeyay Dalalka Masar iyo Labada Somalia ee Midi Hargaysa ay ku taal,Markii dalka la soo galayay Waxaan go’aansaday in Meesha aan qaban doono ee Ilaalin doono inay noqoto Wershada Kabida,Waxaana taas igu Kalifay Waxaan aqoon u lahaa Qiimaha Qalabka Yaala wershadaas,Guutadii aan hogaaminayay ee 12aad Markii ay dalka soo gashay ee ay Qabatay Wershada Kabka waxaan Maalintii labaadba Ciidankii aan watay Ayaan fayliyey waxaan u sheegay Qiimaha Wershadan,Qalabka yaalaa inuu noqonayo dhaxalka ugu balaadhan ee aynu ka qabsanay Ciidankii Siyaad barre Marka laga tago Wershadii Sibidhka amase shamiitada oo la fadhataystay,Waxaan Weydiiyey Ciidankii si aan Ra’yigooda u helo Miyaynu qaybsanaa Wershada waynagaa xoraynaye Mise waan Ilaalinaa,Ciidankii Wuxuu ila qaatay inaynu ilaalino si uu Qaranku u intifaacsado’’

 

Saleebaan C.laahi Warsame  Waxa uu sii dhex galay Caqabadihii Ilaalinta Wershadaas kala soo dersay iyo Sidii uu ku maareeyay ‘’Mudo Lix bilood kadib Waxay Ciidankii ogaadeen in Guuto kastaa meeshii ay qabsatay ay ku muraadsatay oo Ciidamadii kala qaateen waxay bedeleen ra’yigoodii ahaa Ilaalinta Wershadan,Waxay yidhaahdeen meel wax yaalaan dalkii ma jiro oo waa lagu kala tegay,Sidaa darteed anaguna waxaanu qaadanaynaa Wershadan Wixii yaala,Waan u Caqli celiyey,Markii danbe dadkii wuu kala qaybsamay Qaar aniga ayay I raaceen Kuwa kalena way iga soo horjeesteen, Mudo ku Siman Shan Sannadood oo aanay Jirin Ciidan Qaran iyo Dawlad Xukunka dalka Gacanta ku wada haysa ayaa waxaanu ku jirnay dagaal laba Kooxood ah Midina doonaysay inay waxan qaataan ta kalena ay difaacayeen, Mudadaasna Wixii Kharash ah ee Ku baxay Iyo Wixii Ciidanku Cunayay anigaa Bixin Jiray Xitaa Xoolo aan Miyiga ku lahaa iyo Guri magaalada iiga dhisnaa waan wada xaraashay si ay Masaariif Ciidanka ugu noqoto Waxaase Jiray rag ganacsato ah oo iminka waabay dhinteene aan amaah kaga qaadi jiray wixii aan u baahdo iyo Kuwo igu odhan jiray mar hadii aad halgankaas ku jirto waanu kugu taakulaynay’’

 

Mujaahid Saleebaan C.laahi Warsame waxa uu iftiimiyay Markii uu Wareejiyey Wershadaas ‘’Markii Ciidanka la dhisay ee Dawladii Shaqadeedii qabatay Waxaan dadka u sheegnay inay Jirto Goob dawladeed oo Wixii yaalay ee loogu Yimid uu Nabadgalay si ay noola soo arkaan, Waxaan Xasuustaa in Madaxweyne Ku Xigeenka oo aan Xiligaas u tegay wuxuu yidhi ma meel wax yaalaan oo Qaranku leeyahay ayaa Jirta? Sidaas oo ay Tahay Markii Ciidanku dhismay ayaa 1996kii naloo soo diray Gudi si ay noola eegaan waxaan Sheegayno,Gudidaas Waxaa Madax u ahaa Nin la Yidhaa Axmed Tansaani oo Iminka Janan ah iyo Lix nin oo Saraakiil ah oo aan ku Jiro,Waajibka nala siiyay wuxuu ahaa in la soo Qiimeeyo Waxa Yaala Meesha (Wershada Kabida) inuu yahay wax dalka anfacaya oo Shaqaynaya iyo in kale,Shan iyo Toban Cisho Ayaan daraasad ku samaynay,Adigu Buug 250 Bog ah ayay ka qoreen Waxay natiijadii ku soo Gabo gabeeyeen Meeshaas 95% Qalabkeedii wuu yaalaa,Wayna Shaqayn kartaa hadii Shanta kale ee ka hadhay lagu daro’’.

 

Mujaahid Saleebaan C.laahi Warsame  Waxaa kale oo uu ka hadlay Waxyaabihi ay Wershadani qaban jirtay Waxaanu Yidhi ‘’ Wershadu waxay lahayd qayb birta dhalaalisa,dabadeed waxaa la gayn jiray Toornada taas oo laga heli jiray waxyaabo badan oo Gaadiidka Ciidanka lagu dayactiri Jiray Sida hadii Taangi Silsiladu ka go’do IWM’’

Mujaahid Saleebaan Waxaa kale oo uu intaas ku daray in aaga ay Wershadaasi ku taalo ay ku meersanaayeen 8 Xero Ciidan Kuwaas oo ay Wakhti Badan geliyeen Sidii Bulshada looga difaaci lahaa inay qaataan Mulkiga dhulkjaas hasa yeeshee Waxa uu Cadeeyay in Dhulkii Wershada Kabidu ku fadhiday uu bed qabo halka Xeryaha kale dad gaar ah la siiyey.

 

Mujaahid Saleebaan Waxa uu sheegay in Wershadii kale ee Xamar ku taalay in dadku ku tagri faleen dhamaanba wixii hoos yaalay iminkana ay hoy u tahay dad barakacayaal ah.

Comments are closed