Shakhsi Tiir-dhexaad u Ahaa Qorista Afka Soomaaliga Oo Saaka Geeriyooday
Muqdisho:Feb,01,2015(SDN/QJ)-Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo kamid ahaa Halyeyadii Soomaaliyeed ee Dhidibada u taagay Qorista Afka Soomaaliga, ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Mudisho.
Ehelada Marxuunka ayaa sheegay in Dir Kadare mudooyinkan xanuunsanaa, isla markaana caafimaad dibad ah loo qaaday, balse markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, uu saaka geeriyooday.
Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa kasoo qeyb qaatay intii uu noolaa howlo badan oo ay ka midtahay qorista farta Soomaaliga, ka shaqeynta ururrada shaqaalaha dowliga ah iyo howlo ganacsi uu in badan ku soo dhex jiray, waxa uuna Marxuum Kadare uu kamid ahaa raggii 50-meeyadii isku dayay in uu sameeyaan far qoris u gaar ah farta Soomaaliga oo aan markii dambe hirgelin.
Eebe ha u naxariistee Dr Kadare waxa uu ahaa gabayaa caan ahaa oo soomaalida dhexdeeda caan ka ahaa, waxana uu ahaa aqoonyahan shaqooyin badan usoo qabtay bulshada soomaalida.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com