Shacbiga Caasimada Hargaysa Wadnahay Farta ku Hayaan!! Faallada Shabakada Qurbejoog.
Hargaysa 30.May 2014 (SDN/QJ)- Shayga Ugu Weyn ee Somaliland dunnida ka Iibiso kuna Naalooto Waa Nabadgalyo iyo Degenaan,Waa aragtida ay kaga duwanaatay dalal ku yaala Mandaqada Geeska Africa oo ay Xasilooni daro daashatay.
Nabadu Waa ta Somaliland gaadhsiisay Horumarka iyo hanaanka dawladnimo.
Xukuumadani may keenin Nabadgalyadaas balse waa mid ka timid Shacabka Somaliland Waxaase ayaan daro ah in Bulshadu ay maanta Walaac ka qabto in Nabada ay haystaan ay wax yeelo ku keenaan Quwado ku hirdamaya awoodo siyaasadeed oo mid walba uu damaciisa gaarka ahi kala weyn yahay hantida ugu weyn ee Waddankani haysto.
Waxaan Shaki ku Jirin in Khilaafka Murugsan ee ka dhex oogan Xisbiga Kulmiye uu Wiiqayo Higsigii Ummadani lahayd, Waxay ahaan lahayd aragti kale hadii ay Sheekada haatan taagani ay u dhaxayn lahayd Mucaarid iyo Muxaafid balse waa Mid keli ku ah Ashkhaas iyo Xisbi halgan dheer soo wada galay,Kuna Guulaystay oo Maamulka dalka in lagu aamino.
Dabayaaqadii Maamulkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayay ahayd markii dhegaha shacabka ay ku badatay Qaraxyo ka dhaca Hargaysa oo la farsameeyay kuwaas oo Xukuumadii Xiligaasi ay ku eedayn jirtay Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Kulmiye oo isha lagu hayay,Halka uu Kulmiyena ku doodi Jiray Qas ay dawladu Cimri dherer kaga dhiganayso ku sii nagaanshaha Kursiga dalka looga arrimiyo.
Maanta tii ma Joogto Qaraxyada Cabsi Gelinta ah ee labadii habeen ee u danbeeyay ka dhacay Caasimada Hargaysa waxaa loo aanaynayaa Mid Xididadiisu ay ku arooraan Khilaafka labada garab u qaybiyay Xisbul Xaakimkii hogaaminta waddanka hayay,Sida uu Maanta Cadeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Warancade Kaas oo ay Madaxdiisu ku Guul daraysteen inay isu tanaasulaan,Mid kasta oo ka mid ah labada Garabna uu Qumanihiisu Qoorta u Sudhan yahay.
Maanta Shacbigu Wadnaha ayay Farta ku hayaan,Waxaa u Muuqda Hogaankoodii oo dareenkii Mas’uuliyadeed ee ay hayeen uu damiirkooda hoos maray,Waxay arkayaan Waayo aragna u Yihiin Waxa ka dhacaya Dalalka ku Xeeran oo ay si Fudud Cadaw argagixiso ahi Qaraxyo uga Fulinayaan,Waxaan ka Qarsoonayn inta uu Maamulkoodu isku Mashquulsan yahay inay dhici karto in Cadowgu ka faa’iidaysto oo dhibaato ka Gaysto.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa la Gudboon Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu Xeeriyo Guuxa Culus ee ka dhex jira Shacabkiisa aragtida Midaysan uu kula Ciiday 23 Guuradii ka soo Wareegtay Madax bannaanida Somaliland,Isla markaana uu si Odaytinimo oo u Tudhaysa dal iyo dadba uu ku dhameeyo Khilaafka Mudada dheer soo Taxnaa ee Xisbiga Kulmiye ka dhex ololaya kaas oo Saamayn Taban ku yeelanaya Nabada,Kala danbaynta iyo Dhismaha Qarankan.
Hargaysa SDN/QJ