|

Shacabka Suuriya Oo Gabbaad iyo Hoy Ka Dhigtay Godad, Si Ay Uga Badbaadaan Duqeymaha Diyaaradaha Ruushka

Xamaah,30Dec,2015(QJ/SDN)-Shacabka  dalka Suuriya ayaa billaabay inay hal abuuraan qaab walba oo ay kaga bad baadi karaan duqeymaha Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Ruushka ay ka geystaan dalkaasi, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay galaaftay nolasha Boqollaal ruux, kumanaan kalena ay ku barakaceen.

Fikradda Qoditaanka Godad hooy ahaan loo dago, si looga bad baado duqeymahaas aan kala sooca laheyn, ayaa waxay ka mid noqotay fikradaha dhaxal-galka ah ee laga bartay Kacdoonka dalka Suuriya, kadib markii dagaalka dalkaas ka socda uu qeyb ka noqday nolol-maalmeedka caadiga ah ee dadweynaha, ayna waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolashooda ka mid noqotay sidii ay uga bad baadi lahaayeen duqeymaha oo run ahaantii noqday musiibo khatar ku ah nolashooda.

 

Deegaanada kuyaalla Baadiyaha Gobolka Xamaah oo ka mid ah meelaha ugu daran ee duqeymuhu ay ka dhacaan ayaa ka mid ah goobaha laga hirgeliyay godadkaasi, waxaana la sameeyay Warshado yar yar oo qaabilsan qodidda godadka, waxaana dadku ay aaminsanyihiin in godadku ay yihiin meel ammaan ah oo looga bad baadi karo duqeymaha, iyadoo wax saameyn ah aanay ku yeelaneyn gantaalaha ay soo tuuraan diyaaradaha, maadaama Godadku ay ku dhexyaallaan gudaha buuraha, meel walbana ay ka xigaan dhagaxaan waawayn.

Abuu Muxamed Al-Xamawi oo dagan God kuyaalla degmada Al-Ladhaamina ee baadiyaha Gobolka Xamaah oo la hadlayay Al-Jazeera.Net ayaa yidhi : ” Diyaaradaha Ruushka habeen iyo maalin hawada kama baxaan, suuragal nooma ahan inaan sii saadaalinno goobta ay duqeynayaan iyo wakhtiga ay duqeynayaan, sida aan ula dhaqmi jirnay diyaaradaha Nidaamka Suuriya, kuwaas oo marka aan Codkooda maqalno aan qiyaasi jirnay meesha ay duqeynayaan”.

Wuxuu sheegay Abuu Muxamed in xaalka diyaaradaha Ruushka uu sidaas ka duwan yahay, isagoona yidhi : “waxay nagu khasbeen in marka aan maqlano guuxa diyaaradaha Ruushka inaan u cararno godadka, iyadoo ay dhici karto in diyaaraddu ay duqeyneyso deegaan kale”.

Sidaas darteed ayaa qoysas badani oo ay ka mid yihiin Qoyska Abuu Muxamed waxay dantu bidday in godadka ay ka dhigtaan Hooy joogto ah. Inkastoo ay aad u xun tahay xaaladda iyo duruufta nololeed ee godadkaas ka jirta, iyadoo aanay laheyn koronto iyo biyo ayaa haddana cabsida ay ka qabaan in guryahooda lagu kor duqeeyo ayaa dhaxal-siisay inay u dulqaataan gudcurka godadka iyo qabowga daran ee halkaas ka jira.

Abuu Saaf,i oo isna ka mid ah dadka ka shaqeysta xirfadda Godad qodista ayaa sheegay in howshaasi ay billaabeen muddo sanad ka hor, wuxuuna tilmaamay in Warshado yar yar oo howshaas qaabilsan ay ka hirgeliyeen degmada Al-Ladhaamina ee Baadiyaha Waqooyi ee Gobolka Xamaah. Mar uu soo hadal qaaday qalabka ay u adeegsadaan howsha adag ee Godad qoditaanka ah ayaa waxaa uu xusay inay isticlmaan qaar ka tirsan qalabyada loo adeegsado dhismaha, ayna sidoo kale ka shaqeysiiyeen Matooro ka saacidaya howshaasi.

Wuxuu sheegay in marka lasoo cayimo goobtii godka laga qodi lahaa in Shaqaalaha howshaas qaban lahaa ay qalabkooda iyo Matooradooda ay halkaas u rartaan, iyadoona ay dhici karto in Shaqadu ay socoto muddo todobaadyo ah, taas oo sabab u ah Mashaqada ay kala kulmaan dhagaxaanta ay qodayaan.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray in halkii Mitir ay ku qodaan lacag u dhaxeysa (2400-3200) oo Liiro, oo u dhiganta Lix illaa iyo Sideed Doollar. Abuu Saafi wuxuu sheegay in qiimahaas aanu aheyn mid sarreeya marka loo eego Xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanadaasi, isagoo tilmaamay in Godka dhex-dhexaadka ah oo ka kooban Laba boqol, islamarkaana ay ku hooyan karaan Qoys ka kooban Shan ruux inay ku qodaan lacag dhan 75 kun oo Liiro oo u dhiganta 200 oo Doollar.

جانب من مغارة قيد الحفر بريف حماة (الجزيرة نت)Wakhtiga dheer ee ay ku jireen howsha godad qodidda aawgeed ayaa Shaqaalaha howshaas ka shaqeeya waxay mar walba soo hindisaan qaabab cusub oo lagu hagaajinayo Xaaladda godadka, si loogu dhigo meel munaasab ku ah in lagu noolaado. Godadka qaarkood waxaa loo sameeyaa duleelo ay hawada kasoo gasho oo la mid ah daaqadaha guryaha caadiga ah, qaarkoodna waxaa loo qodaa qaab ka hortagi kara in aanay soo gelin biyaha iyo daadadka marka la gaadho Wakhtiga Xagaaga.

Kumanaan Muslimiin ah ayaa Shantii sano ee lasoo dhaafay ku nafwaayay duqeymaha diyaaradaha dowladda dalka Suuriya ay ka geysanayaan gobollada iyo magaalooyinka gacantooda ka baxay, iyadoo dhowr bilood ka hor ay duqeymahaas kusii biireen diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Ruushka, kuwaas oo sii laba jibbaaray gumaadka iyo xasuuqa ku socda Muslimiinta dalkaasi ku nool.

Xigasho: Aljazeera.Net Ama Riix Halkan: القصف-الروسي-يدفع-السوريين-لحفر-المغارات-بريف-حماة

Comments are closed