|

Shacabka Somaliland waxay doorteen madaxweyne iyo ku xigeen wax-qabad ugu-dhaartey

Siyaasada Xukuumada Siilaanyo oo sii hagaaseysa maalinba maalinta ka danbeysa ayaa hada qarka u-saaran in ay fashilanto, calaamadaha fashilaada ah ee maalmahan ka muuqda siyaasada gurucan ee xukuumada Siilaanyo ayaa isugu soo biyo shubatey  dhafan-dhaaf, dhalan-habaabis iyo iska-horkeen bulshadii shacabka dhexdooda oo  wadar iyo Waaxidba ah.

waxaa hantidii ummadda iyo awoodii dawladnimo loo isticmaalayaa in karbaash la isugu dhiibo oo lagu fur-furo oo lagu kala qaybiyo midnimadii cuqaasha, salaadiinta,boqorada iyo dhamaan wax-garadkii shacabka walaalaha ah ee Somaliland.

Taasi waxay kaaga markhaati ka ceysaa in maanta taladii xukuumadii ummaddu u dooratey in ay horumar u-horseedo in ay hadimo iyo dil-dilaac hor-leh ay u-horseeday oo ay shaa-buug ay shacabku  isla dhacaan ay isugu dhiibtey.waxaa hogaankii madaxtooyada mis-cirirta u-galey Cawsle la soo muuseeyey kaas oo isu haysta hal-door  dadka ka sareeya oo la soo boqrey,laakiin la isku raacey in uu yahay  hal-doqon wax-magarato ah oo ku yimi kuraan-boodo dheer  iyo dar-daaran huwan digreeto madaxweyne kaas oo isagu isu-haysta in uu kursiga ku yimi doorasho iyo xulasho laga maarmi-waayey, laakiin kursiga ku-yimi daba-kanuugnimo.

Markii la arkey in  Madaxdii wadanka loo doortey in ay u-afduuban yihiin koox yar oo qawleysato ah oo ku caan baxey qeybsanaan,nifaaqo, hagardaamo iyo  nacasnimo xaadhka iyo xalaaleysiga cashuurtii yareyd  iyo hantidii maguuraanka aheyd ee wadanka, lunsiga,futeynta,iyo fadhateysiga mucaawinooyinka wadanka loogu deeqo iyo ku-tagrifalka awoodo aaney aqoon-iyo waayo-aragnimo u-laheyn oo ka baxsan xadka iyo xeyn-daabkii shaqadooda.

Markii la wada arkey in aaney xukuumadu laheyn barnaamijyo horumarineed iyo hadaf iyo higsasho wax-qabad oo qeexan oo qaran iyo yoolal ay tiigsato iyo guulo ay filaneyso oo ku waqtiyeysan waqti dhow iyo mid fogba.- Markii golayaashii wakiiladu ay fadhiid noqdeen ee ay xataa arki waayeen ee ay indhaha ka qarsadeen awood-balaadhsiga baaxada leh ee baalmarsan  dastuurka qaranka ee ay isa siiyeen shaqsiyaad aan wadanka loo dooran oo isku haleyn, xigsi iyo xigaalnimo ku fara-maroorsadey awoodii dawladnimo kuwaas oo ku tabo-barta xukunkii dalka badankiisii.

Markii lawada arkey wiiqa iyo hintaaqada aafeysey hirgelintii, himilooyinkii shacabka iyo  habsami -u-socodkii hawlihii dawladnimo. markii la arkey dhabar-jabka gaadhey qorsheyntii maamul iyo  maareyntii oo iyana gacmahoodii ku ragaadey,Markii wax-garadku arkeen in aaney xukuumadu laheyn dig-tooni badan iyo da-daal-badan oo lagu sii dugsado.Markii loo kuur-galey ee la isku raacey in xukuumadu xilkii iyo dhaartiiba ay ka doorbidey dane shaqsiyeed iyo dhaqaale boob,eex iyo qaraabo kiil, musuq-maasuq  ragaadiyey dhamaan hantidii qaranka.-markii la dareemay lunsiga joogtada ah iyo wax-isdabo-marinta  hadheeysey xukuumada Siilaanyo.

markii la wada arkey in ay ka aradey xukuumadii  habkii ay anfaca iyo horumarka dalka isugu dheeli tiri laheyd.Markii la wada dareemey sida ay xukuumadu u-kala jecleysatey beelihii walaalaha ahaa ee wadanka taas oo beertey is-naceyb degaanada qaar dhex-mara  oo iyana sii wiiqdey wax-wada lahaanshihii iyo wadaagii danta guud ee beelaha walaalaha ka dhexeeyey. markii dhamaan ay shacabkii somaliland ay gashey tuhun iyo didmo joogto ah, tuhunkaas  oo laga qabo cida hageysa talada hogaanka wadanka ee maanta?. markii shacabka somaliland ee fogaal araga ahi ay isku raaceen in ay koox yari ay taladii wadanka xuurteysatey. markii wax-garadka foojigani isku raaceen in dhaqaalihii iyo masiirkii ummadu ay gacanta u-galeen koox yar oo dhereg-dhaaftey oo aan danahooda gaarka ah mooyaane aan aqoon daryeel kale.

Markii hawl-wadeenadii xukuumadu ay caadeysteen in ay sarifaan xeerarkii iyo shuruucdii wadanka si ay hantida ma-guuraanka ah ee wadanka ugu qayb-sadaan si sharciga iyo dastuurka baal-marsan. Markii laga cabsi qaadey in nabad-gelyada oo ah aas aaska dawladnimo  in ay mugdi gasho oo faraha ka baxdo. markii ay wada kala go’een Shakaaladii iyo sunihii isu wada hayey sadexdii dhar-dhaar ee wadanka bud-dhiga u-ahaa,taas oo ay halkaa ku bur-burtey Haybadii milgihii, karaamadii, hab-raacii mabaadiidii siyaasadeed iyo qadiyadii  qaranka barakeysan ee  Somaliland.

Markii dhinac walba laga eegay ee laga baaran degay ee la rog-rogay waxaa wax-garadkii fog’aan araga ahaa ay isku raaceen in tayadii hogaaminta xukuumada Siilaanyo ay marin-habowdey oo ay aad hoos-ugu dhacdey ,wadankuna uu maanta saaran yahay  buudhiga gaadhi uu wado wade yar oo bar-barad ku ah farsamada wadista gaadhiga, kaas oo ummadda la anban-kara ama  afka u- saari kara wada khaldan oo aan aheyn tii runta aheyd ee la isku ogaa  ee ummaddu jeexatey.

Markii la isu joojin waayey ee masiirkii iyo nidaamkii dawlanimo ee aynu jeexaney ee aynu ku soo hana qaadney ee ahaa wada tashi, talo wadaag, iyo isu-taa-sulkii uu meesha ka baxey ee arinkii uu noqdey anigaa wax-walba ah ( anaa-amiir-anta-amiir)

Markii intaa aan kor kaga soo dhawaajiyey oo dhab ahi ay isla sibir-dhaqaaqeen ayaa waxaa u-adkeysan waayey, kuwii naftoodii, noloshoodii, waqtigoodii iyo maalkoodiiba u-soo hurey ee qoriga ku-xoreeyey dalkeena,waxaana iyaga oo isxil-qaamaya oo aan qori sidan ee qalin keliya sita ay ku dhawaaqeen Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka.

Waxaanu xukuumada u-soo jeedineynaa in  uu  golahan wada-tashigu yahay golaha keliya ee hada haysta badankii kalsoonidii shacabka ee xukuumadey Sas iyo Sakatin haka qaadin ee ha kula baadi-goobaan, Midnimadii Qaranimo iyo kalsoonidii aad lumiseen. Waxaan  shaqsiyan aan taa-geero buuxda la bar-bar-taaganahay golaha wada-tashiga iyo toosinta qaran ee ay isugu tageen Mujaahidiintii  sababta u-ahaa, xornimadan iyo bar-waaqadan ay maanta Somaliland ku fadhido, hadii ay maanta xukuumadu  dhegeysan weydo oo  karaameyn-weydo dhawaaqoodana la dhegeysan waayo iyaduna  yaaney sugin in la karaameeyo oo la dhegeysto.

Alleh ayaa Mahada Leh
Wa-laahum-aclum.Wa-bilaahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED.BD PA
United-Kingdon

Comments are closed