Shacabka Somaliland oo Ka Qaylinaya Sicir Bararka Xadhkaha Goostay & Aamusida Xukuumadda DAAWO
Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Marba Marka Xiga Kor u sii Kacaya Sicir bararka ka Taagan Suuqyada Somaliland Kaas oo Xuduntiisu tahay Kor u Kaca Qiimaha Dollarka Iyo Hoos u dhaca laxaadka leh ee Ku Yimid Shilling Somaliland.
Waxaan ilaa hada Shaqayn Go’aamo ka soo Baxay Madaxtooyadda oo Ku Saabsanaa Sidii Lacagta Somaliland Qiime Loogu Yeeli lahaa,Waxaa dhicisoobay Xadigii ay Xukuumadu u Jartay Isku bedelka Shilling Somaliland Iyo Dollarka oo ahaa in Gacanta Hore lagu bedelo 6800 Halkii dollar halka Gacanta Labaad ee Qofku Marka uu Dollarka doonayo laga dhigay 7000 oo Shilling Waxaa Maanta uu Dollarku Gacanta hore ka marayaa Suuqyada Sarifka 8000 oo Shilling Halkii Dollar halka Gacanta labaad oo Suuq Madow ah ay Iyana Gaadhay Ku dhawaad 9000 oo Shilling.
Sidoo Kale Waxaa Hal bacaad lagu Lisay ah Qaraarkii uu Madaxweynuhu ka gaadhay Lacagaha Electarooniga ah ee Lagu qaato Mobilada ee Adeegyada Zaad iyo E-Dahab.
Waxaan La Garanayn Meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen Guddidii Qaran ee Madaxweynuhu u Magacaabay Fulinta Go’aankiisa Fashilmay.
Xaaladahan Is biirsaday Waxay Saamayn Culus ku Yeesheen Nolosha Bulshada Danyarta ah Iyo Shaqaalaha Dawlada oo Mushaharka ay qaataan aanu Maanta Waxba Jarayn Maadaama uu Qiimaha Dollarku Cirka marayo Sidoo Kale Maceeshadii ayaa Wax ku Kordha Mooye Wax ka dhaca aan lahayn.