|

Shacabka Somaliland oo Baafinaya Meel uu Hanti Dhawrkii Qaranku Jaan iyo Cidhib dhigay

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Shacabka Somaliland ayaa baafinaya hanti dhawrkii guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi (dheere) oo tan iyo intii la magacaabay aan lahayn isaga oo ka shaqaynaya adeegyadii loo diray ee uu shacabka u hayey.

Mudane Maxamuud Dheere ayaa ku mashquulsan tamashlaynta Berbera iyo daawashada saraha dhaadheer ee Hargeysa sidoo kale waxa uu ku hawlan yahay arimo shaqsiyadeed oo danahiisa ah.

Shaqada uu qaranka u hayey waxa iminka kala wada madax hoosaadyada xafiiska Hanti-dhawrka guud halka masuulka jagadan ku magacaabana aanu ka soo xaadirin xafiiska oo aan la arag.

Shaqaale ka shaqeeya xafiiska hanti dhawrka ayaan qaarkood aqoon masuulka madaxda ah taasi oo muujinaysa shaqada dayacan ee hanti dhawrka guud ee qaranka.

Mudane Maxamuud Aw Cabdi (Dheere) ayaa ah masuul aan fulin shaqadii Madaxweynuhu u magacaabay ee uu qaranka wakiilka uga ahaa taasi oo keentay in dadweynihii adeegyada uga baahnaa xafiisku ay baafiyaan Hanti Dhawrka guud ee qaranka Somaliland.

Comments are closed