|

”Shacabka Puntland waa inay ka qayb qataan Dagaalka Lagula Jiro Al-Shabab ” Sheekh C/raxmaan Qoordheer DHAGAYSO

Garowe 20.March 2016 (SDN/QJ):-Culumada gobolka Mudug ayaa markii ugu horaysay waxay ka hadashay dagaalada dawlada Puntland ay kula jirto Al-Shabaab waxayna shacabka ugu baaqeen inay ka qayb qataan hawlgalada lagula dagaalamayo.

 

Shiikh Cabdiraxmaan Salaad diire oo kamid ah culumadda gobolka Mudug ayaa sheegay shacabka gobolada Puntland in laga doonayo ka qayb qaadashad shacabka ee dagaalka Al-Shabaab.

 

Shiikh C/raxmaan ayaa labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland Bulshada kunool u faray inay masuuliyad ka saarantahay qof walba amniga gobolka Mudug.

 

Waa markii ugu horaysay oo culumada gobolka Mudug ay ka hadlaan ciidamadii dhawaan kasoo degay deegaanka garacad oo hada ay Puntland kula jirto dagaal xoogag.

Comments are closed