Shacabka Oromada Oo Mudaharaad Ay Kaga Soo Horjeedaan Dowladda Itoobiya Ka Dhigay Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Qaarada Yurub SAWIRRO
London,22Dec,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah wadamo ku yaala Qaarada Yurub waxaa maalmahaan dambe ku soo xoogeeysanayay banaanbaxyo balaaran oo ay dhigayaan jaaliyada ama qoowmiyada Oromada kuwaas oo doonaya inay ka go´aan dalka Itoobiya oo qalalaase xoogan laga dareemayo .
Shacabka Banaanbaxayay ayaa sheegay inay hiil iyo hoo u hayaan ciidamada hubka qaatay ee la dagaalamaya dowlada Itoobiya gaar ahaan kuwa Oromada ah waxeeyna dowladaha caalamka ka codsadeen in wax laga qabto xasuuqa lagu hayo Shacabka Oromada .
Oromada ku nool qaarada Yurub oo aad u badan ayaa waxa ay wadaan qorshe lagu magacaabo (Freedom for Oromo People) waxeeyna sheegeen in aysan joojin doonin kacdoonkooda . Shacabkaan ayaa sheegay in hal qof oo Oromo ah la dili karo balse uu dhiman karin magaca ah Oromia (You can kill Oromos , but you can never kill Oromia )