Shacabka Oo Shaki Ka Muujiyey 8-Badhasaab, 4-Taliye-Ciidan iyo Wasiir-ku-xigeenno Hoggaaminaya Oo Ethiopia Farta Ugu Yeedhay
Hargeysa:Sep,19,2015(SD/QJ)-Shacabweynaha Reer Somaliland, ayaa si weyn isu weydiinaya sababta keentay in taariikhda markii ugu horraysay ay Ethiopia u yeedhato Saraakiil katirsan Xukuumadda Somaliland oo heerkoodu hooseeyo, kuwaas oo sida la sheegay Magaalada Jigjiga kaga qaybgalay shir labada dhinac halkaas uga furmay.
Shirkan oo xukuumadda Somaliland ku sheegtay mid danaha dhinaca ammaanka iyo wada-shaqaynta labada dal lagaga xaajoonayo, ayaa loogu yeedhay ugu yaraan 8-badhasaab, 4-Taliye Ciidan iyo waliba tiro kooban oo wasiir-ku-xigeenno ah, waxana arrintaasi keetay walaac ay shacabku ka qaadaan hoos u dhac ku yimi karaamadii Dawladnimo ee Somaliland.
Goobaha shacabku ku kulmaan ee Magaalooyinka Somaliland, ayaa ilaa shalay intii Waftigaas shaqaale-hoosaadka u badani u dhaqaaqeen dhinaca dalka Ethiopia, waxa ay dadweynuhu si weyn uga hadal hayeen arrintaas, iyadoo su’aalo badan isk weydiiyey baahida keentay in shakhsiyaad meeqaamkoodu sidaas u hooseeyaa shir kaga qaybgalaan Dal kale, waxana ay tilmaameen inay muujinayso meeqaamkii Dawladnimada Somaliland oo si weyn hoos loogu dhigay.
Ra’yiga dadka ayaa u badan inaanay adduunka jirin badhasaabo Shirar arrimaha ammaanka lagaga hadlayo u taga dal shisheeye, waxana ay dadku ku doodayaan in tallaabooyinka noocaas oo kale ahi muujinayaan in Dawladda Ethiopia si weyn faraha ula gashay hannaanka kala sarraymeed ee Dawladda Somaliland, isla-markaana shaqadaas ay iska lahaayeen wasiirrada Amniga dalka u qaabilsani, balse ay reeban tahay in Badhasaabadda oo xisaabsan shaqaale hoosaad marka arrimaha noocaas oo kale ah laga hadlayaa aanay shirarkaas fadhiisan Karin, taasina ay tahay shaqo-dhaaf lagu sameeyey Cidda Ammaanka u qaabilsan Somaliland.
Wali taariikhda ma ay dhicin in tiro intaas le’eg oo badhasaabo iyo saraakiil ciidan iskugu jirtaa ay shir noocaas oo kale ah ugu baxaan Dalka Ethiopia, waxana awal hore shirarkaas si rasmi ah uga qaybqaadan jirey Saraakiisha ammaanka oo ay wasiirradu ugu sarreyaan.
Xukuumadda Somaliland, ayaa looga fadhiyaa inay shacabka ka shaki saarto baahida keentay in Xubnahan meeqaamkoodu hooseeyaa ay Gudaha Ethipia kaga qaybgalaan shirkaas, iyadoo waliba ay hor fadhiisteen Saraakiisha ugu sarraysay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.