Shacabka Ku Dhaqan Gobolada Somaliland oo Dareeno Iska soo Hor Jeeda ka Bixiyey Ku Biiristii Garabkii Dimuquraadi doonka Kulmiye ee Xisbiga Waddani
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):-Shcabaka ku dhaqan deegaanada kala duwan iyo Gobolada Bariga Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay siyaasiyiintii isbaahaysiga Kulmiye eek u biiray xisbida mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana Wasiiraddaas oo hore isaga casilay xukuumadda Kulmiye, markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo qaab jujuub ah ugu cumaamaday Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Qaar ka mid ah oo warbaahintu wax ka waydiisay bulshada magaalada Burco, siday u arkaan garabkii is baaheysigi Kulmiye eek u biiray xisbiga Waddani oo kala haa .Wasiirka hore ee Wasaarada Madaxtooyada Xirsi X. Cali, .Wasiirka hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda Maxamed Bixii Yoonis,
Wasiirka hore ee hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka hore ee Caddaaladda iyo Garsoorka Axmed Xuseene Caydiid , Guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye iyo Guddoomiye ku-xigeenkii 3-aad Talyaanle, “Aad ayaanu ugu faraxsanahay inay maanta ku biireen xisbiga Waddani, markaa runtii aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa, haddii aanu nahay shacabka Gobolka Togdheer. Xirsi waxaan ku tilmaamilahaa siyaasiga iyo hogaamiye mustaq-bal ee kaliya ee ummadda reer Somaliland hogaamin-kara ee laga dhalxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Runtii waxa laga yabaa in dadka qaar is yidhaahdaan waa isku reer, laakiin meel aanu iska soo galnaa ma jirto oo isku qabiil ma nihin, xitaa meelna iskama soo galno. Waxaan wada daawaday dhamaan khudbadihii xubnihii isbaaheysa, kadib markii aan qiimeeyay waxaan dhadhansaday weedhihii hadalkooda. Laga yabaa in dadka qaar iga feker duwan yihiin, balse waxaan ka dhex arkay khudbadiisa innuu yahay shakhsi u qalma hogaamiye umaddeed.”Sidaa waxa yidhi Idiris Saleebaan Maxamed oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.
Fu’aad Ismaaciil Maxamuud oo isna ka hadlay dareenkiisa ku aadan sida uu u arko isbaahaysiga ku biiray xisbiga waddani.“Waxaan aamisanahay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro maanta guushii kursiga Madaxweynimada gacanta ku dhigay, madaama aynu og nahay miisaanka aan la dhayalsan Karin ee ay leeyihiin isbaahaysiga Ku soo biiray xisbiga Waddani. Maxamed Biixi Yoonis oo ah nin xidhiidh dheer iyo wada shaqayn badan la leh dawladaha caalamka, waxbadan oo xagga siyaasadda arrimaha dibadda ayuu u fududayn karaa Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Cirro. Qof indha la’a iyo qof riyoonaaya mooyee maanta Shacabka reer Somaliland, way cadahay, wayna arkaan in dadku wada Waddani yihiin. Xisbigii Kulmiye Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa god iyo hadaan dheer ku riday ee ha la weydiiyo, kamana dabaynayo Madaxweynaha oo mar ayey wada dhacayaan Siilaanyo iyo Magaca Kulmiye.”Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Ismaaciil Maxamuud oo ku nool Gobolka Saraar.
Khadra Maxamuud Faarax oo ku nool magaalo madaxda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag waxaanuu yidhi,“Dhamaan shacabka Gobolada bariga oo dhan siweyn ayey ugu farxeen in isbaahaysigu ku biiraan xisbiga waddani oo bulshada deegaanada bariga Somaliland maanta waxay ka wada siman yihiin inay codkooda siiyaan Waddani oo isaga ayaa la isugu wada yimi maanta. Sababtoo ah markaynu is weydiino labadii xisbi ee Kulmiye iyo UCID waynu og nahay xaalka ay ku sugan yihii. Xisbiga Guddoomiyihii 2-aad Xildhibaan Waabeeye iyo ku xigeenkii 3-aad Talyaane waxay ku soo biireen Waddani ee maxaa hadhay.
“Madaxweyne Axmed Siilaanyo daacad kama aha Innuu Muuse Biixi noqdo Madaxweynaha ka dambeeya ee Somaliland. Waayo, wuxuu isku jabiyey beesha Habar-awal oo Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi intuu dhamaan tood wuxuu ku yidhi tartama oo is sharaxa, markii raggii kaabeyn iyo hirdan dagaal siyaasadeed ah ku dhex-maray beeshoodii ayuu yidhi saacadii ugu dambaysay waad iska ciyaarayseen ee Muuse Biixi Cabdi qasab ku raaca. Taasi waxay keentay in nacayb iyo colaad kala dhex dhigto dad badan beeshoodii oo ay isku garaaceen, waxaana hubaal ah in Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi aanu hayn reerkiisii Sacad Muuse. Beeshii Arab ee Kulmiyaha xag jirka aheyd waynu og nahay halkii ay ku dambeeyeen, iyagana waxa galaaftay dhicitaankii xaqsoor oo Kulmiye isku seegeen, mana arki karaan shacabka Gobolka Hawd iyo Hargeysa ku dhaqan wax la yidhaahdo xisbi Kulmiye. Habar-xabushana xaalkeeda waynu og nahay maanta oo dhamaan waxay raacsan yihiin gaar ahaan dhalinyarada rag iyi haween-ba oo siweyn ula socdeen garabkii ku biiray shalay xisbiga Waddani, iyagoo hore ugu sii jiray.”ayey tidhi Muuna Cabdiraxmaan Cali oo ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.