Shacabka Jabuuti oo siyaabo kala duwan uga hadlay hawgalada ciidamadooda ee Muqdisho
Jabuuti Jan 13,2012(qurbejoog.com)-Shacabka reer Jabuuti ayaa maalmihii u danbeeyay aad u hadal hayay hawgalada ciidamada dalkooda ee AMISOM dhawaanta ku biiray ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Jabuuti ayaa dhawaan ay kooxda Al Shabaab ku eedeysay in ay duqeyeen Masjid magaalada Muqdiso ku yaal oo ay ku dhinteen xubno ka tirsan culimada Tabliiqa.
Safaarada Jabuuti ayaa beenisay eedaas ka soo yeedhay kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.
Shacabka Jabuuti ayaa isweydiinaya waxa dhici kara hadii Kooxda Al Shabaab ka dhabeyso cagajugleynta dhawaanta ka soo yeedhay.
Sidoo kale waxa reer Jabuuti ay qaarkood ku doodayeen maalmihii ina dhaafay in iminka la joogo xiligii ay u gurman lahaayeen walaalahooda Muqdisho amni daradu ku heysato.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in reer Jabuuti aaney diyaar u aheyn in ciidamadoodu Muqdisho ka hawlgalaan iyada oo aaney goleyaasha dalku aaney ka doodin.
Qurbejoog-Jabuuti