Shacabka Gobolka Sanaag Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Haweenay Maraykan Ah Oo Socdaal Ku Imanaysaa Gobolkaasi, Fariina Digniin Wadatana Udiray Xukuumadda Somaliland
Ceerigaabo 01. August 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan shacabka iyo Ganacstaada beeyada ee Gobolka Sanaag ayaa ka digay Safar la sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku tagayso Haweenay dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka maraykanka, waxaanay odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka Gobolka Sanaag fariin udireen xukuumadda Somaliland iyagaa oo uga digay inay haweenaydaasi socdaal ku timaado magaalada ceerigaabo.
waxay sidan ku shegeen shir Jar,iid oo ay si wadajira ugu qabteen magaalada Ceerigaabo waxaana ka mid ah hadaladoodii “ waxaanu leeyahay naagtaas Hargeysa ayay soo socotaa oo waxaa ay ku socotaa beeyada waxaanu leenahay beeyada dadkii lahaa oo dhanbaa fadhiiya, gobolka sanaag diyaarbu uu yahay dhibaatada inay gabadhaas iska celiyaan, xukuumada waxaan leeyahay inaad Nabadgelyada ilaalisan ayaa la doonayaa, nabadgelyada ilaalinteeda waxaa kamida in gabadhaas dalka lagaa saaro”.
Dhanka kale waxaa ay shegeen inay gabadhaas dhowr jeer kusoo noq noqotay Gobolka Sanaag islamarkaana ay waddo qorshe anay weli fahmiin shacabka Gobolka Sanaag waxaana hadaladoodii markale kamida ah “ gabadhaas ajaaniibka ee iska sagaalka jeer iska soo daba noqotay ee kolba meel tagaysaa wax alaa iyo wax ay uu socoto aan la garanayn ee kolba af ku hadlaaysa ee hagaagi la,aa ee Somaliland iyo maraykanka iskaaga dab qadaaysa waxaanu leenahay hanaaga Joogan iyadaa iyo wixii la socda haddii kale waanu iska Celin doona “.
Sidoo kale waxaa ay haldoorka Gobolka Sanaag waxaa ay ka digeen qorshayaasha ay kusoo daba dhuuntaan dadka ajaaniibka ee inta badan guurta beeyada iyo maalmaalka Gobolka Sanaag “ dadba calaamka been usoo sheegaya oo odhanayaa beeyo ayaa cudurqabtaa ee kalaaya talaala, waxaanu leenahay adeer beeyadaydu cudur ma qabto, ee baal ninkii uu imanayoow baar caar kaalay “ ayay hadaladooda kusoo afmereen badiba haldoorka iyo waxgaradka Gobolka Sanaag.
Si kastaaba ha ahaatee, Gabadhan oo magaceeda layidhaahdo Anjanette decalaro dhalasho ahaana kasoo jeeda dalka mareykanka islamarkaana aqoon xeeldheer uleh beeyada ayaa hore safar ugu timid Gobolka Sanaag waxaanay shacabka Gobolka sanaag ku eedeyeen inay si sharci darro ah uguranayso beeyada iyo malmalka Gobolka Sanaag, waxaanay xukuumadda Somaliland uga digeen inay timaado Magaalada Ceerigaabo haweenaydaas kasoo jeeda Dalka Maraykanka maadaama ay shaki weyn ka qabaan haweenaydaas inay boobto beeyada Gobolka Sanaag.