|

Shacabka Caasimada oo dareemo kala Gedisan ka Bixiyay Qaraxyo aan Khasaare Sababin oo Xalay Hargaysa ka Dhacay

Hargaysa 29.May 2014 (Qurbejoog.com)-Bulshada ku Nool Caasimada Hargaysa ayaa Siyaabo kala duwan fikirkooda uga dhiibtay Laba Qarax oo Mid ka Mid ahi Xooganaa, Inkastoo aanay Wax  Khasaare ah gaysan oo Niskii danbe ee Xalay ka dhacay Goob ilaa Sadex boqol oo Mitir u Jirta Garoonka Kubada Kolayga ee Timcade,halka Qaraxa kale oo ahaa Mid fudud uu ka dhacay agagaarka Beerta Xoriyada.

Qaar ka mid ah Shacabka Hargaysa oo Shabakada Qurbejoog wax ka weydiisay dareenkooda ku aadan Qaraxa ay Xooga u Maqleen ayaa Sheegay in Ciidamada Booliska looga baahan yahay Sidii ay u soo bandhigi lahaayeen Waxyaabaha Qaraxan loo  adeegsaday iyo Cida ku Lug leh iyadoo laga Taxadirayo ayay Yidhaahdeen in lagu eedeeyo shakhsiyaad laga yaabo inaanay waxba ka ogayn.

Oday Faarax Xasan Cali ayaa yidhi “ Waxaan degenahay Xaafada Shacabka Waxaan Qaraxaas u maleeyay inuu ka dhacay Guryaha ila Jaarka ah, Waxaa kale oo Maskaxdayda ku soo dhacay Qaraxyadii ay Kooxda Argagixisada Alshabaab ka Gaysatay Jabuuti,Muqdisho,Iyo Kenya, Dhab ahaan Waxaan dareemay Cabsi Xoogan,Waxaase layaab ahayd markii aan ogaaday in Qaraxaasi uu ka dhacay Meel u dhow Wadada Togdheer isla markaana aanay Cidi Wax ku noqon,Sidaa daraadeed waxaan ka Codsanayaa Laamaha amaanku inay si Taxader leh u baadhaan dhacdadan oo Saamayn ku yeelan karta Nabadgalyada”.

Maxamed Faarax Qawdhan oo ka mid ah dadka degen Goobta uu Qaraxa Weyni ka dhacay ayaa sheegay “Dhamaan Caruurtayda iyo Hooyadoodba Way hurdeen,Waatan Hargaysi Kulaylka isu rogtay Anigoo Xiligaa Suuliga ayaan ku Jiray, Mar keliya ayaa dhulku ila Ruxmay,Waxaaban u Maleeyay dhul Gariir,Waxaan ka baqay in Suuligu ila dumo Xitaa dharka waxaan ku gashaday albaabka Suuliga,Ciyaalkii ayaa Qaylo isku daray may ahayn wax aan filayay”.

Sidoo kale Hooyo Saado Xirsi Macalin oo u dhow Goobta uu Qaraxan weyni ka dhacay ayaa sheegtay in Jiingada Gurigeeda uu ka soo daatay Siigo taas oo ka turjumaysa sida uu qaraxani u weynaa .

C.Weli Aw Maxamud ayaa isna noo sheegay in Waxa u Weyn ee uu dareemay markii Qaraxu dhacay uu ahaa “Waxaa I hor timid dhacdadii Qaraxyada loogu gaystay Sannadkii 2009kii Xarunta Madaxtooyada,Safaarada Itoobiya iyo Xarunta Hay’ada UNDP, Sidaa daraadeed Ciidamada ayaa laga rabaa inay ka hadlaan waxa dhacay”.

Muxiyadiin Xuseen Muuse ayaa dhankiisa ku dooday in Qaraxyadani ay Salka ku hayaan Khilaafka ka dhex jira Xisbiga Kulmiye “Waxaan rumaysnahay Wakhtigii Dawladii Rayaale Waxaa Hargaysa ka dhici jiray Qaraxyo lagu magacaabi jiray Shaani,Waxaa loo tirin jiray Cududii Mucaaridka ee Xiligaas oo ahaa Xisbiga Kulmiye Maantana sida aan filayo kama foga Khilaafka iyo Muranka ka dhex jira Xisbiga Kulmiye oo awooda dalka haya,oo Waxani inay Cabsi gelin tahay ayaan rumaysnahay ama dawlada lafteeda oo Cid Wax ku Shaabadaynaysa ha ahaato ama Qolada Taageerta Hogaanka Xisbiga ha ahaato, Waxaan Hadaba sheegayaa Belaayo daba la qabto ayay leedahay in arrintaas laga Hortago oo Gacan bir ah lagu qabto hadii kale waxaa iman doonta alle kama yeelee in Maalin Cad kan {Qaraxan} iyo Wax la mid ahi ay dhacaan”.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada amaanka ayaa looga fadhiyaa inay bulshada ka saaraan Cabsidan la soo deristay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed