Shacab Iyo Dawladba Aynu U Midowno Samato-bixinta Dadkeenna Xabaasha Qarka U Saaran!
Tabaalaha abaaraha kulul ee ku hawaarsaday Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay heer xanuun badan. Waxa shalay ku dhintay laba qof oo cusub deegaanka Fardo lagu xidh oo ka tirsan degmadda Lughayaha ee gobolka Awdal ee habasaha abaartu taseeyeen.
Labadan qof ee dhintay waxay ka dhigayaan dadka ku naf waayay Gobolka Awdal macaluul iyo haraad dartood siddeed qof oo iskugu jiray dadka nugul sida caruur, haween iyo waayeel. Arrintaasi ma aha mid indhaha laga qarsan karo, waxaana lagama maarmaan ah in xukuumad iyo dadweyneba hurdada laga kaco oo si ficil ah oo baaxadeeda leh lagu samato-bixiyo dadka xoolihii ay dhaqanayeen ka baxeen isla markaana iyagu haatan gaadhay marxalad adag oo dhimasho gaadhay.
Waxa ayaan darro ah in dadka ku tabaaloobay abaartan riiqda dheeraatay ay gaadhay illaa xad ay tahli kari waayeen tamar darro darteed inay karsadaan raashin haddiiba ay helaan. Taasina waxay sababtay in Maamulka Gobolka Awdal oo si waddaniyad leh iskaga xil saaray badbaadinta dadweynaha abaareysani inay dedaal u galaan inay cunto bisil iyo biyo ay u geeyaan qeybo badan oo ka mid ah dadkan xaaladoodu aadka u culus tahay.
Badhasaab Ramaax waxa uu abaabulay inuu bulshadda reer Boorame si iskaa wax u qabso ah ay gaadiidkooda ku tabarucaan si loogu soo daad gureeyo dadka jilicsan ee aan socon karin si looga hortago inay dhintaan dad kale oo muwaadiniin ah oo xoogooda iyo maalkoodaba Somaliland aanay ka maarmi karin.
Geesta kalena, waxa xukuumadda Somaliland ay samaysay baaqyo qeylo dhaan abaareed ah, iyadoo shalay oo u dambaysay uu Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ahna Afhayeenka xukuumaddu uu soo saaray war-murtiyeed uu beesha caalamka kaga dalbaday inay dadka abaaruhu hagaajisiyeen lagu samato-bixiyo gurmad caalamiya, iyadoo dadku ay qarka u saaran yihiin geeri.
Sidoo kalena, waxa iyana ololaha dadka loogu gurmanayo ay tahay inay barbar socoto In ALLE barri iyo roob doon dalka laga oogo, taasi oo uu Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, khamiistii toddobaadkii hore iclaamiyay in wadanka oo dhan laga oogi doono salaad roob doon ah maalinta Salaasadda ee 22-ka Bishan March. Waxase aan wali inta badan masaajidada dalka gaar ahaan caasimadda laga dhaqan gelin ducadda qunuuda ahayd ee Wasiirku ku baaqay in salaadaha faralka ah lala yimaado, taasi oo ah qeyb ka mid ah ducooyinka aynu EEBE iskugu dhiibayno, kagana baryayno inuu innaga faydo xaaladdii u adkayd ee abaareed ee qarnigan Somaliland ka dhacday.
Waxa iyana daruuri ah in shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay yaqiinsadaan inay kaalinta ugu weyn ay ka ciyaari karaan samato-bixinta dadka reer Miyiga oo ah dhaxalka rasmiga ah ee dalkeenu leeyahay. Waxa loo baahan yahay inaynu fahanno marka aynu arladda guudkeeda iskaga naxariisanno in naxariista EEBE-na markaas imanayso. Ka warama haddii qoys kasta oo reer Somaliland ah oo awoodi karaa ay maalin wada diraan min shan doolar oo kaliya. Intee in leeg ayay qaban lahayd?
Arrinta kale oo ray’ul caamka bulshadda niyad jabka ku riday waa dhaqdhaqaaqyadda xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI oo dadka abaareysan ee qarka u saaran geerida deegaamada ay ku rafaadsan yihiin ku maraya ololeyaasha siyaasadeed ee aan loo baahnayn oo wacyigelintii diiwaan-gelintu u noqotay mid ay cuddudooda ku soo bandhigaan xisbiyadda waxay tahay inay ka war-qabaan in bulshaddu ay guntanayso facaa’ilka siyaasiyiintooda ummadda jilcday durbaanadda ka dul garaacaya ee waliba laga yaabo inay ugu dudaan in dadkaas dhimayaa ay sacab kala hor-tagaan.
Waxa kale oo iyana innala gudboon haddii uu ALLE innaga soo jabiyo dhibta abaaraha oo uu raxmaadkiisa innoo shubo inaynu la nimaadno xamdi naq balaadhan oo aynu ugu shugri naqayno duruuftii aynu soo marnay shacbi iyo qaran-ba, sida uu abwaanka indheer-garadka ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Innoogu sheegay tuducyo ka mid ahaa maansadiisa DABO-HUWAN, oo aan ka soo xigtay meerisyaddan aan ku soo khatimayo qormadan:-
“Naftiisa qofkii dulmiyey
Deyrkaaga Rabbow ka baxay
Muxuu halis daaqayaa
Addoonku Rabbow ma dayo
Deeqdaada intuu hantiyo
Duntii maqan buu tebaa
Wax uu degdeg kaaga filay
Haddaanay ku soo dul quban
Cadhuu la dakaamayaa
Dibnuhu baryaday karaan
Daryeel kama mahad ceshaan
Jiilaal la darbbaysan yahay
Diihaal iyo gaajo kulul
Haddii beri roob ka da’o
Qof doogey markaas illow
Siduu u ducayn yiqiin
Susuusba ka sii durduri.”