|

”Shabigu Kelmadoodii ay yidhaahdeen doorashadiina wey dhamaatay,Clinton-na  wey aqbashay in laga guulaystey’’ Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka oo Guushiisa Xejisanaya

Washington 29. November 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegey in xataa hadii la laalo malaayiin qof oo si Sharci daro ah u Codeeyay ay hadana  Guushiisa doorashada madaxtinimada ee uu Hantay ay tahay mid sugan.

Hillary Clinton and Donald TrumpMr,Trump ayaa hadalkan ku dhawaaqay ka dib markii Murashaxii sida adag ula loomaysay Mrs, Hillary Clinton ay sheegtey inay taageerayso Dalabka xisbiga Green party ku codsday in dib loo tiriyo codadkii doorashada laga dhiibtey Gobolka Wisconsis oo uu si dirqiya ku guuleystey Mr,Trump.

Mr,Trump waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay in wax is daba marini ka dhacday Gobolada Verchina (farjiniya) ,New Hampshire iyo California kuwaasi oo Mrs,Clinton aad ugu guuleystay codadkii laga dhiibtey,waxaanuu xusay in arintaasina aanay warbaahintu ka hadal

Waxa kale oo uu Mr,Trum uu yidhi ”Shabigu Kelmadoodii ay yidhaahdeen doorashadiina wey dhamaatay,Clinton-na  wey aqbashay in laga guulaystey markii ay ii hanbalyeysay”.

Comments are closed