Shabakadii Wargayska Haatuf.net oo laga Saaray Hawada.
Hargaysa 17.April 2014 (SDN)- Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland Sida Somtel iyo Telesom ayaa maanta fuliyay amar ay maxkamada hargaysa Maalintii shalay ku bixisay inay Joojiyaan in Shabakadaas laga daalacdo Bogii ay Internetka ku lahayd ee Haatuf.net .
Amarkan ayaa Shirkadaha adeega Internetka bixiyaa ay sidiisii u fuliyeen Geesta kalena Tiffatiraha Wargeyska Xukuumaddu Xayiraadda Saartay ee HAATUF Axmed Cali Cige,ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabo ay qaadday Maxkamadda gobolka Hargeysa oo ay ku amaray shirkadaha ka ganacsada adeegga Isgaadhsiinta Somaliland oo ay fartay inay gabi ahaanba hawada ka saaraan internetkoogana aan laga geli karin Wabsaytka Haatuf.
Tifaftiraha Wargeyska HAATUF Axmed Cali Cige waxaa kaloo uu inaa ku daray in tallaabada Maxkamadda Gobolka Marodijeex ay qaadday ay tahay mid lid ku ah ganacsiga xorta ah iyo inay shirkaduhu si madaxbannaan macaamiishooda uga ganacsan karaan.
Waxaa kaloo oo uu Tifaftiruhu Sheegay inaanay wali kiiskooda Maxkamaddu dhegaysan loona yeedhin sidii Wargeyska loo xayirayna uu wali ugu xidhan yahay Xukuumadda .
Talaabadan ay Maxkamadu ku fulisay Mareegtii uu Wargayska Haatuf ku lahaa Internet ayaa dhaawac ku ah Xoriyatul qawlka maadama ilaa iyo haatan aanay Jirin Wax Dacwad ah oo Maxkamadu ka garnaqday oo ku wajahan eedaymihii loo haystay Wargayska Haatuf .
Hargaysa SDN.