Shabaab:Muslimiinta waan ka saarnay Xarunta Ganacsiga ee aanu weerarnay
Nairobi Sept 22,2013(SDN)-Kooxda Al Shaab ee weerarka ku qaaday goobta ganacsiga ee Westgate Mall ayaa sheegtay in ay weerarkooda ku bar tilmaansadeen uun dadkii aan muslimiinta aheyn.
Shabaabka oo warkoodan soo dhigay bartooda Twitter ayaa waxa ay uga warbixiyeen weerarkooda.
“Muslimiinta waa laga saaray goobta intii aanu weerarku dhicin”ayaa lagu yiri qoraalka Shabaabka.
Arintan ayaa muujineysa in Shabaabku ay dadka goobta ku sugnaa ay kala saareen intaaney weerarin.
Dadkii goobtaa ku sugnaa ee ka baxsaday weerarka ayaa sheegay in ay maqleen uun rasaasta balse aaney arag cida rasaasta rideysa.
Weerarka oo la isku gabal dhacsaday ayaa waxa weli goobta ku sugan kooxdii dableyda aheyd iyo ciidamada amaanka.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com