|

Shabaabka oo weeraray Isgaarsiinta Woqooyi Bari Kiinya

Dhadhaab June 9,2013(SDN)-Weerar ay Shabaabku shalay gelinkii danbe ku qaadeen xarumo laga hago Isgaarsiinta degaanada ay ku yaalaan xeryaha Qaxootiga Soomaalida ayaa geystay khaasre kooban.

Shabaabka ayaa weeraray xarumaha lalinta shirkadaha Saficom iyo Orange telecommunication oo labaduba xarumahoodu ku yaaliin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Ifo.

Madaxa ciidamada Booliiska ee Dhadhaab Albert Kimathi ayaa saxaafada uga waramay weerarkan Shabaabku ku qaadeen Isgaarsiinta xeryaha Qaxootiga.

“Meliishaadku waa ay ka goneyd in ay fuliyaan falkaasi si ay u curyaamiyaan isgaarsiinta oo aan la isugu gurman”ayuu yiri taliyuhu.

“Meliishaadka waxa kale oo ay damacsanaayeen in ay weeraro ku qaadaan labada saldhig Booliiss ee ku kala yaal Ifo Dhadhaab”ayuu yiri Albert Kimathi.

Weerarka ayaan geysan khaasaare baaxad leh,waxaana iminka wixii ka danbeeyana ilaalo la dhigay xarmaha isgaarsiinta.

Kooxda Al Shabaab oo weeraro ka fulineysay guddaha dalka Kiinya ayaan ilaa iyo haatan ka hadal weerarkan u danbeeyay ee lagu eedeeyay in ay fuliyeen.

SDN-Dhadhaab
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed