Shabaabka oo Weerar Hubeysan ku qaaday Xarunta UNDP Muqdisho
Muqdisho June 19,2013(SDN)-Wararka Muqdisho ka imanaya ayaa waxa ay tibaaxayaan in weerar ay dabley hubeysani saaka ku qaaday xarunta UNDP ku leedahay Muqdisho ay ku dhinteen dad.
Weerarkan oo noociisa mudooyinkan danbe Muqdisho lagu arag ayaa waxa qaaday kooxda Al Shabaab.
Weli ma cada khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxa uu walaac ka dhex abuuray bulshada reer Muqdisho oo beryahan aan maqal dhawaqa rasaasta Shabaabka.
Wixii ka soo kordha halkan ka filo dhawaan.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com