Shabaabka oo u cago jugleeyay shacabka Kenya
Muqdisho April 02,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta DF iyo ciidamada dalalka Jaarka ee Kenya iyo Itoobiya ayaa fariin digniin ah u diray shacabka dalka Kenya ee ciidamadoodu Soomaaliya soo galeen dhawrka bilood ka hor.
Shabaabka ayaa qoraalkooda ku sheegay in nolosha Kenyaatigu cidhiidhi geli doonto hadii aaney ciidamadooda ka bixin Soomaaliya.
“Hadii ciidamadiinu sii wadaan gumaadka Soomaalida Muslimka ah idinkana noloshiinu waxa ay noqon doontaa mid khatar gasha”ayaa lagu yidhi qoraalka Shabaabka ee Kenya ku wejahana.
Caga jugleyntan ayaa ku soo beegmeysa xili shalay ay qaraxyo ruxeen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Kooxda Al Shabaab ayaan qoraalkeeda ku soo hadal qaadin qaraxyada,isla markaana aan sheegan.
“Hoos u daca degenaanshaha Kenya waxa ay salka ku heysaa ka hormarinta danta Kenya iyo amniga Kenya danaha reer Galbeedka”ayaa lagu yidhi qoraalka Shabaabka.
Shabaabka oo dagaalo kala duwan ay kaga wejahan yihiin dhawr aag ayaa lumiyay degaano badan oo hore ay uga arimin jireen.
SDN-Muqdisho