Shabaabka oo sheegay in ay nool yihiin ragii weeraray suuqii Nairobi ee Westgate Mall ayna soo bandhigi doonaan
Muqdisho Feb 25,2014(SDN)-Afhayeenka kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera uga waramay weerarkii qaar ka mida ciidamadoodu ku qaadeen suuqii Westgate Mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Cali Dheere ayaa sheegay in aan la rumeysan kareyn haalada ka soo yeera dawlada Kenya oo marar badan shaacisay hadalo kala duwan oo ku saabsan weerarkaasi.
“Kenya waxa ay sheegtay in ay sfar ruux weerareen Westgate hadana waxa ay yiraahdeen sagaal bay ahaayeen hadana waxa ay yiraahdeen haweeney ayaa weerarka hogaamineysay,iminkana waxa ay yiraahdeen ragii weerarka qaaday waan dilnay,lama rumeysan karo Kenya”ayuu yiri Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay sheegay in ragii qaaday weerarka ay nool yihiin ayna soo bandhigi doonaan marka ugu horeysa ee ay suurtogal tahay.
“Ragii weerarka qaaday in ay nool yihiin iyo in kale waxaanu sheegi doonaa xili ay ciidan ahaan tahay suurtogal,”ayuu yiri afhayeenka kooxda Al Shabaab.
Waa markii u horeysay ee ay kooxda Al Shabaab si dadban u sheegto in ay nool yihiin qaar ka mida ragii ka danbeeyay weerarkii ay ku qaadeen Westgate.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com